|
|
|
|
|
Faahfaahin dheeraad h oo kasoo baxday Dagaalkii
shalay ee Dhagax-madoow iyo Dundumo cadka
|
June 11,
2008 Warar dheeraad ah oo naga soo
gaadhay jiidda hore ee dagaalka ayaa waxa uu
sheegayaan in ciidamada Tigreega laga furtay
14 BKM, qoryaha ay qaataan qolyaha ganatada
ah (sharp shooters) oo 4 ah, Hubka yar yar
tirtadiisu aad ayay ubadan tahay, saacad
kastana waxaa soo baxaysa xayn qoryo ah oo
horleh, waxaa kale oo ay jabhaddu gacanta ku
dhigtay qasnaddi lacagta ee ciidanka oo
sideedii ah, maxaabiista laga hayo ilaa iyo
hadda waxay tiradoodu tahay 25 askari.
Dhanka kale warar naga soo gaadhay
Dhagaxbuur ayaa waxa ay sheegayaan in
ciidamada magaalda jooga ay aad u
cabsanayaan oo waddo kasta oo magaalada ka
baxda ay dhigeen ciidan, mana sameeyaan wax
bixitaan ah marka laga reebo ciidankii
shalay u gurmaday Dagaalkii Dhagaxmadoow oo
meel dhexe lagu helay kadibna iyagoo
cararaya ay soo galeen magaalada.
Hadaba jabhaddu waxa ay magaalada
Dhgaxmadoow ka bexeen saaka subixii iyagoo
wada wixii furasho ahaa ee ay ka heleen
halkaas,ciidankii shalay Dhagaxbvuur lagu
celiyay ayaa lasheegayaa in uu lug kaga
baxay magaalada oo uu kusii jeedo Dhagax
madow, waxayna sida lasheegayo dhexda kusii
dileen dad shacab ah oo aan wali la sheegin
tiradooda.
--Ogaden Online News |
|
|
|
|