Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Shir ka dhacey Magaalada St Cloud ee Gobolka Minnesota

March 11, 2008 Jaaliyada Ogadeniya ee Magaalada St Cloud iyo nawaaxigeeda ayaa shir balaadhan isagu timid bishan March 08, 2008.

Shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii dadka qurba jooga ah ee ka soo jeeda Ogadeniya ay ula socon lahaayeen xaalada ay Ogadeniya ku sugan tahay, isla markaana ula jaan qaadi lahaayeen halganka shacabka Ogadeniya ugu jiro aayokatashigiisa.

Dadweynihii shirkan ka soo qayb galay oo aad u badnaa ayaa waxaa ka mid ah ahaa qaar ka mid ah xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO, sida Mohamud Nuur oo shirkaas ka soo jeediyey warbixin taabaneysa xaalada Ogadeniya ku sigan tahay xiligan xaadirka ah.Mudane Mohamud Nur, wuxuu ka hadley abaarta ka taagan Ogadenoya, iyo sida ay Itoobiya uga go'antahay in ay gaajo iyo oon ku layso shacabka Ogadeniya.

Waxaa isna halkaas ereyo qiiro leh ka soo jeediyey Gudoomiyaha Unugta St Cloud, Mudane C/qaadir oo aad ugu nuux-nuux saday muhiimada ay leedahay isku duubnida iyo wadajirka bulshadu.
 

Kabawayne,
Radio Xoriyo MN

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.