Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Magaalada Jigjiga oo ay weli ka socoto hawlgalkii dadka guryaha lagala baxayey
Feb 11, 2008 Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ay Ciidamada Itopobiya oo kaashanaya dad jawaasiis ah ay weli magaalada ka wadaan hawlgal ay dadka guryaha kala baxayaan.

Hawlgalkan oo socdey in mudo ah ayaa lagu fuliyey dad badan oo shacab ah, dadkaas oo isagu jira dhamaan qaybaha bulshada.

Hadaba habeen horey markey saacada magaalada Jigjiga ahayd qiyaastii 7:00 fiidnimo ayey ciidamado Itoobiyaan ahi gurigeeda kala baxeen Gabadh naloogu sheegay Ina Axmed Basey oo aanan magaceeda 1aad haynin.

Lama oga ilaa hada meel Gabadhaas lagu xidhey.

Xeryaha Ciidamada iyo xabsiyada magaalada Jigjiga ayaa waxaa ka buuxa dad aad u badan oo laga soo kala xidhey dhamaan Gobolada Ogadeniya.

Sida wararku sheegayaan Todobaadkii hore ayaa maxaabiis badan loo qaadey Xadka Eritrea iyo Itoobiya ku muransanyhiin oo laga yaabo in uu dagaal ka qarxo.

--Ogaden Online News
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.