|
Jan 11,
2008 War naga soo gaadhey Magaalada
Jigjiga ayaa sheegaya in Ciidamada Gumaysiga
Itoobiya ay todobadkii hore gurigiisa kala
baxeen Wiil lagu magacaabo Ibraahin
Xuseen. Wiilkan ayey ciidamada Itoobiya
ku haysteen god ku yaala Xerada Ciidamada ee
Garab Case. Halkaas oo uu gaajo iyo rafaad
badan kala kulmey iyo weliba jidh dil ba'an.
Sida warku
sheegayo wiilkaas ayey habene hore Ciidamada
Itoobiya ku soo tuureen qabuuraha Sheekh
Shariif oo u dhow guriga uu degenaa ee laga
qabtey marii hore, iyaga oo moodey in uu naf
baxay
Wiilkan oo xaaladiisa caafimaad aad uga sii
dareyso ayaa waxaa ku raad jooga Ciidamada
Itoobiya kadib markii ay maqleen in uu weli
nool yahay, iyaga oo baadhitaan ka wada
xaafadaha ay ku tuhmayaan in lagu hayo.
--Ogaden Online News |