|
|
|
|
|
OSF Sweden iyo OEYL oo kulan yeeshay |
Aug 10,
2008 Maalinimadii shalay oo aay
taariikhdu ahayd 09.08.08 ayaa shir balaaran
ka dhacay magaalada Stockholm ee wadanka
Sweden. Kulankan ayaa waxaa soo qaban
qaabiyay Ogaden Student Forum ee Sweden
iyadoo goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan
maamulka jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee
Sweden iyo waliba unugta JWXO. Shirkan ayaa
sidoo kale waxaa marti ku ahaa hogaanka
arimaha dibada ee Ururka Dhalinyarada
Ogaadeenya ee Yurub mudane C/llaahi Maxamed
Ibraahim oo booqosho shaqo ku maraya qaar ka
mid ah wadamada Scandaneeviyaanka iyadoo
sidoo kale goob joog uu ka ahaa xoghayaha
guud ee ururkan mudane Maxamed Khadar ahna
xoghayaha jaaliyada Ogaadeenya ee Sweden.
Raxmo Ibraahim oo ugu horeyntii shirka
furtay ayaa ka hadashay wax qabadkii OSF
Sweden mudadii uu jiray iyo qorshayaasha u
dagsan oo aay fulin doonaan waqtiga dhow
iyadoo sheegtay in OSF Sweden uu ku
talaabsaday is ku xirka dhalinyarada
wadankan iyo sidoo kale howl kale oo muhiim
u ah horumarinta qadiyada Soomaalida
Ogaadeenya . Ka dibna waxa hadalkii qaatay
mudane Maxamed khadar oo sheegay muhiimada
eey leedahay wada jirka iyo is ku xirnaanta
dhalinyada soomaalida Ogaadeenya ee Yurub si
markaa loogu guuleeysto ka dul qaadida umada
Soomaalida Ogaadeenya gumeeysiga ku dul
habsaday.
Kulankan
in ta uu socday ayaa waxaa goobta ka hadlay
in badan oo ka mid ah qeeybihii kala duwanaa
ee soo xaadiray kulankan iyagoo dhamaantood
ku nuux nuuxsaday waajibnimada is garab
taagida halganka xaqa ah ee Soomaalida
Ogaadeenya. Ugu danbeeyntii ayuu mudane C/llaahi
Maxamed hadalkii qaatay isagoo ka warbixiyay
waxyaabihii u qabsoomay Ururka dhalinyadara
Ogaadeenya ee Yurub mudadii gaabneeyd oo uu
dhisnaa iyo qorsha hoowleedka ururka u
dagsan oo uu fulin doono waqtiga dhow,
isagoo sheegay in ururka Ogaden European
Youth oo suurto galiyay ka qeeyb galka
shirar heer caalami ah oo dhamaantood wax
tar u leh qadiyadeena.
Shirkan oo qeeyb ka ah shirar taxane ah oo
aay qabanayaan ururada dhalinyarada
Ogaadeenya ee Yurub ayaa ku soo gaba
gaboobay jawi farxad leh iyadoo lagu balamay
in la badiyo kulamada iyo dardar galinta
hoowlaha ururka iyo sidoo kale Shirku wuxu
ku booriyay in Dhalin yarada Reer Ogadenia
meel waliba ay joogaan ay si heer caalami ah
u maamuusaan xuska sanadguurada 24 aad ee
JWXO,
--Ogaden Online News
|
|
|
|
|