|
March 08,
2008 Wararka naga soo gaadhaya Magaalada
Garabaciise ayaa sheegaya in ganacsatadii
Soomaaliyeed ee magalaadaas degenetd loo
geystey bililiqo xoog leh.
Sida warku sheegayo biliqaysigan ayaa waxaa
fuliyey ciidamada Itoobiya, waxayna uga
goleeyihiin in dadka Soomaalida ah laga
caydhiyo dariiqa isku xidha Addis Ababa iyo
Jabuuti.
Sidoo kale waxay Ciidamada Itoobiya xabsiga
dhigeen 37 qof oo dhalinyaro ah, kuwaas 25
ka mid ah loo qaadey Addis Ababa, halka 12
kale lagu xidhey Xabsiga Havana ee Jigjiga.
Garbaciise ayaa ah magaalo ganacsi oo ay
taalo hanti aad u badan oo lagu qiysaasey
100 Milyan oo bir.
--Ogaden Online News |