|
|
|
|
|
Ciidamada
Sirdoonka Itoobiya oo cadaadis saarey 14 qof oo Jigjiga ku
xiran |
Jan
08, 2008 Wararka
naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa
sheegaya in Ciidamada Sirdoonka Itoobiya ay
cadaadis saarey 14 qof oo xabsiyada Jigjiga
ku xiran.
Sida warku sheegayo dadkaas ayey Ciidamada
Sirdoonka Itoobiya ciiqaabta ay ku hayeen
ugu dareen in aan la siinin wax dhar ama
gogol ah, kuwaas oo la il daran dhaxan iyo
gaajo.
Odey dhaqameedo ka mid ah Odeyaaasha
shacabka Ogadeniya ayaa isku dayey in
dadkaas xiran u dhexmaraan shacabka
Magaalada Jigjiga, kuwaas oo ay u suurto
gashey in ay helaan dhawr furaaash iyo dhar
kala duwan. Balse ilaa iyo hada ma suurto
gelin in dadkaas jeelasha ku rafaadsan loo
geeyo gogosha iyo dharka loo soo aruuriyey,
waxaana beryo loogu jiraa sidii ay Ciidamada
sirdoonka Itoobiya ogolaansho u bixin
lahaayeen.
--Ogaden
Online News |
|
|
|
|