Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Magaalada Jigjiga oo habeen hore lagu xidhey laba wiil oo shacab ah
Jan 07, 2008 Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in habeen hore guryahooda lagala baxay laba wiil oo shaca ah, kuwaas oo midkood yahay Ardey dhigta dugsiga sare,

Warku wuxuu intaas ku darayaa in wiilka Ardeyga ah oo lagu magacaabo Nadiir Maxamuud Cali, oo ah Ardey aan la joogin reerkooda laga dhacey lacagtii uu masruufka iyo waxbarashada u isticaamalayey.

Wiilka kale ayaa magaciisa naloogu sheegay Aaden Macalin oo ah wiil dirawal ah.

Inta badan dadka la xiro ayaan la soo taagin wax maxkamad ah, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah loo geysto jidh dil ba'an.

--Ogaden Online News

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.