Sept 06, 2008
Todabaadkii lasoo dhaafey ayey Ciidamada
Itoobiya laba Gabdhood ku Ceejiyeen
Magaalada Sagag. Gabdhahan ayaa waxaa lagu
kala magacaabaa Ardo Cabdi Gadhle iyo Ardo
Aadan Bayle.
Sida waru sheegayo Gabdhahan ayaa la sii
daayey iyaga oo sakaraad ah oo geeri qarka u
saran. Ilaa hada wax faah-faahin ah kama
hayno in ay nool yihiin iyo in ay dhinteen
Gabdhahan ayaa waxay ka mid ahaayeen dad
badan oo Xoolo dhaqato ah oo lagu soo
aruuriyey Miyigiga magaalada Sagag. Dadkaas
ayaa waxa naga soo gaadhey magacyada kala
ah.;
-
Axmed
Buraale iyo reerkiisa oo ka kooban 5 qof
-
Abshir
Buraale
-
Abshir
Faarax
-
Xaliimo
Cabdi Sayid
Dhinaca kale,
waxay ciidamada Itoobiya Xero oodeen Lo aad
u tiro badan oo ay ka soo taxaabeen
deegaanka Heensaraar, Lo’daas ayaa waxaa
iska leh nin lagu magacaabo Cabdi Gacan.
Ma'aha markii ugu horeysay ee ay Ciiidamada
Itoobiya dad nool Ceejiyaan, inta badan
ciidamada Itoobita ayaa waxay wataan Xadhig
Silig ah oo ay dadka ku Ceejiyeen, kadibna
ka soo laalaadiya geedaha ama god ku rida,
halkaas oo dadku ku naf waayo.
--Ogaden
Online News |