Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Badhtamaha Magaalada Qabridahare oo la soo dhigey Medyka nin shacab ah
Feb 05, 2008 Wararka naga soo gaadhaya magaalada Qabridahare ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay badhtamaha magaalada soo dhigeen Meydka nin shacab ah oo ay dileen. Meydan akaa dadka loo diidey in ay aasaan.

Sida warku sheegayo meydkan ayaa waxaa jidhkiisha ka muuqdo jidh dil iyo xabado ay ku dhufteen ciidamada Itoobiya.

Ma'aha markii ugu horeysay ee ay ciidamada Itoobiya ay suuqyada iyo wadooyinka soo waddhaan meydka dadka shacabka ah ee ay dilaan. Ciidamada Itoobiya ayaa tabahan isticmaala si ay dadka u cabsi geliyaan ama ay u helaan ehelka ama qaraabada qofka suuqa la so dhigey si ay qarabaada ama qok kasta oo ka jir naxa talaabo uga qaadaan.

Dhinaca kale, magaalada Jigjiga ayaa habeen hore waxaa guryahooda lagala baxay wiilal ardey ah kuwaas oo magacyadooda naloogu kala sheegay;

  1. Maxamed Yuusuf Sh. Maxamed
  2. Axmed Afyare
  3. Mahad oo aanan haynin magaciisa oo buuxa.

--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.