Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Booliska Jigjiga oo shaqadii laga joojiyay.

Jan 05, 2008 Markii ay taariikhdu ahayd 02/01/08 waxaa magaalada Jigjiga kulan ku yeeshay xubnaha maamul ku-sheegga Kililka, wuxuuna kulankooda oo dhami ku saabsanaa sidii looga hortagi lahaa waxa ay ugu yeedheen hawlgallada ay JWXO ka fuliso magaalada Jigjiga dhexdeeda.

Maamul ku-sheegga Kililka ayaa sidii caadada u ahayd waxay is-waydaarsadeen eedaymo ay isu jeediyeen oo ku saabsan in xubin waliba uu midka kale ku eedeeyo inuu la shaqeeyo JWXO.

Eedaymo qallafsan iyo far isku-fiiq badan ka dib waxay eeddii oo dhan dusha ka saareen booliska oo ay ku tuhmeen inuu fududeeyo hawlgallada ay ku sheegeen inay JWXO ka fuliso magaalada Jigjiga dhexdeeda.

Arrintan ayaa keentay in la soo saaro go’aan booliska ka mamnuucaya inay si madaxbannaan uga shaqeeyaan magaalada Jigjiga dhexdeeda.

Hawlihii uu boolisku hayayna waxaa loo xilsaaray dhalinyaro, rag iyo dumar isugu jira, oo loo tababaray hawlaha sirdoonka, kuwaasoo si qarsoodi ah magaalada uga shaqayn doona. Waxaa sidoo kale la shaqaaleeyay dad ilaa iyo 100 qof oo ka mid ah dadka Tagsiilayaasha ka ah magaalada Jigjiga, kuwaasoo qaban doono hawlo sirdoon ah.

Tallaabadan ay ak denbaysay, ka dib markii magaalada Jigjiga laga fuliyay falal dhawr ah oo qaarkood lagu laayay saraakiil sirdoon ah oo u dhashay qowmiyada Tigreega. Markii ay taariikhdu ahayd 02/01/08 waxaa bamboo lagu qarxiyay baabuur ay wateen askar Itoobiyaan ah, kaasoo ay ku dhinteen 2 askari oo midkood yahay sargaal sirdoona ah oo Tigree u dhashay. Waxaa sidoo kale toogasho lagu dilay sargaal kale oo Tigree ah oo sirdoonka u shaqayn jiray 25/12/07.

--RX News

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.