Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Xurguf aad u xoogan oo soo kala dhexgashey Maamul ku sheega Jigjiga

Aug 04, 2008 Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Maamul ku sheegay Jigjiga ay ka dhextaagan tahay xurug aad u weyn, xurguftan oo ka dhalatey tartanka ay ugu jiraan sidii ay u raali gelin lahaayeen ama ugu kala dhawaan lahaayeen Saraakiisha Wayaanaha ee ka talisa Ogadeniya.

Hadaba wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in Daa'uud Axmaar oo ay jaalyhiin Ina Iley uu Adis Ababa u baxay, halkaas oo oo rabo in uu Abay Sahey iyo Meles kula kulmo, balse waxaa kaba safrey Lugbuur oo ah horjoogaha Maamulka Jigjiga.

Sidoo kale, Ina Iley oo ay ka muuqato walaac badan ayaa waxa uu booqdey Xabsida Magaalada Jigjiga qaar ka mid ah, isaga oo dadka shacabka ah ee uu soo xirey ka codsadey in ay cafiyaan oo ay u soo duceeyaan, wuxuuna halkaas ka sii daayey qaar a mid ah dadkaas uu sida bilaa sharciga ah u soo xirtey.

Ma cadda waxa u ku dambeyn doono loolankan a dhextaagan Maamulka Dabaqoodhiga ee Jigjiga, laakiin ma'aha markii kowaad ee ay dhexdooda is qabsi iyo sadbursi oo kala dhexgalo.

Warar aan la hubeyn ayaa waxay sheegayaan waxaa suurto gal ah in Maamulka qaarkiis lagu soo dari doono qaar ka mid ah Saraakiisha Tigreaga, inkasta oo ay hadaba madaxda askarta Wayaanuhu ka arimiso Ogadeniya.


--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.