|
Feb 04,
2008 Wararka naga soo gaadhaya Degmada Sagag
ee Gobolka Nogob ayaa sheegaya in
dhamaan maamulkii hore ee degmadaas xabsiga
loo taxaabey.
Waxaana ka mid ah dadka xabsiga la dhigey;
-
Gudoomiyihii: c/samsam
-
Madaxii
maaliyada: Maxamud C/qaadir
-
G/Kuxigeenk:
Sulub Gacan
-
Afhayeenkii: C/laahi Aadan Dalab
-
Madaxii
ICRC ee Sagag: Muktaar Cabdi Xarbi
Dadkan ayaa
waxaa lagu xukumey xabsiyo u dhaxeeya 2 sano
ilaa 20 beri.
Sidoo kale,
waxay ciidamada Tigreegu xudheen Gabadh lagu
magacaabo Cadar Cali Daahir iyo Gabadh yar
oo ay dhashey oo 10 jir ah.
Cadar ayaa dhowr jeer oo hore la xidhey
iyada oo inta badan lagu soo furtey lacag
laaluush ah.
Ma cada sababta dadkan loo xidhey, waxaana
xabsiyada ku yaala xeryaha ciidamada
Itoobiya ka buuxa dad aad u badan oo sanado
ku xidhan halkaas, dadkaas oo ah dad shacab
ah.
--Ogaden Online News
|