|
Feb 03,
2008 Wararka naga soo gaadhaya magaalada
Wardheer ee Xarunta Gobolka Doollo ayaa waxa
ay sheegayaa in nin ganacsade ah oo lagu
magacaabo Yuusuf Sheekh C/Laahi (Sacaba
Yare) ay Tigreegu ka dheceen lacag dhan 75
Milyan oo Shilin Soomaali ah, una dhiganta
$3500 oo Doolarka maraykanka ah.
Waxaa kale oo ay kala wareegeen gadhigiisii
oo uu watay. Dad isku dayey in arintan kala
xaajoodaan ciidamada Tigreaga ayaa iyagana
xabsiga la dhigey, dadkaas oo lagu tirinayey
in ay u fura dhuuban yihiin Tigreaga
--Ogaden
Online News
|