Jan 03,
2008 Wararka naga soo gaadhaya Magaalada
Jigjiga ayaa sheegaya in xalay markey
saacada Jigjiga ahayd qiyaastii 12:00AM uu
qarax Bambaano ka dhacey Xaafada 4aad.
Qaraxan ayaa sida la sheegayo lala beegsadey
Baabuur ay saaraayeen Ciidamo Itoobiyaan ah
oo wadada laamiga ah marayey.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in ay jirto
dhimasho iyo dhaawac soo gaarey Ciidamadii
saraa Baabuurkaas, inkasta oo aan la ogeyn
tiro sugan.
Qaraxan oo aad wenyaa ayaa gilgiley
daafaha magaalada, kaas oo cabsi galiyey
dadweyanaha magaalada.
Xukumada
Itoobiya ayaan ilaa hada wax war ah ka soo
saarin qaraxan, mana jirto ilaa hada cid
sheegatay in ay ka dambeysay falkan.
--Ogaden
Online News
|