Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Haweeney lagu magacaabo Shuun Maxamed Kheyr Sheeg  oo xalay aqalkeeda lagu dilay

Mar 01, 2008 Waxaa xalay 01-03-208 xili hiraabtii ah lagu dilay aqalkeeda Shuun Maxamed Kheyr-Qabe, iyada oo halkaas dhaawac loogu gaystay ninkeedii oo lagu magacaabo Maxamed Sheekh Axmed Yuusuf.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa aroornimadii laga dareemay magaalada Dhagaxbuur, gaar ahaan Xaafada 3aad oo ah goobta falkani xumi ka dhacey. Sida warku sheegayo waxaana Isbitaalka loola cararay ninka dhaawaca ah.

Falkan ayaa waxaa ka dambeeyey ciidanka gumaysiga Itoobiya ee ka hawgala Dhagaxbuur, arintaas oo uu cadeeyey ninka dhaawaca ah ee qabay gabadhaas la dilay, kadib markii Isbitaalka la geeyey Maxamed Sheekh Axmed Yuusuf ayaa la weydiiyey cida dishay inuu garanayo wuxuuna si cad u yidhi "waxaa xaaskaygiina dilay anigana i dhaawacay ciidanka Itoobiya".

Lama oga ilaa iyo hada waxa reerkaas lagu galay, waxaase loo gartay inay kamid tahay gumaadka ay gumaysigu ku hayaan shacabka rayidka ah.

Marxuumad Shuun Maxamed ayaa ka tagtay shan ciyaal ah oo hurday xiliga sariirteeda lagu tooganayay.

Dhinaca kale, Wiil lagu magacaabo Cabdigurey Cumar Amaadin oo ah 27 jir ah ayaa bishii Feb 27keedii yay ciidamada tireegu ku dileen tuulada Dharkeynley oo ka tirsan Gobolka Dhagaxbuur, marxuumkaas ayaa sida naloo xaqiijiyay ay isagoo socda qabteen kadibna goobtaas ku dileen. Dadka deegaankaas ayaa maydkiisa meeshaas ka helay isla maalintiiba kadibna meeshaas ayaa lagu aasay.

--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.