Jan 01,
2008 Wararka naga soo gaadhaya magaalada
Fiiq ayaa waxa ay sheegayaan in maalintii
Jimcaha ee 26 kii December 2007 uu dagaal ka
dhacay meel duleedka magaalda fiiq ku taala
oo lgu magacaabo Cagajiid.
Sida ay wararku sheegayaan ciidammo badan oo
Tigree ah iyo kooxdii ina ileey oo waayahan
ay uga babaysnayd magaalada Fiiq ayaa waxa
ay ku bexeen ciidanka Jabhadda oo joogay
Cagajiid oo ah meel uu ku yaalo Ceel yar oo
biyaha laga dhaansado, halkaas oo magaalada
Fiiq dhanka Bari 15 km uga jirta
Hase ahaatee Jabhaddu way ka war heshay soo
bxixitaanka ciidanka Tigreega waxa ay u sii
gashay wadadii ay soo marayeen, sida uu
noogu soo waramayo nin Soomaali ah oo ka mid
ahaa Maleeshiyaadka qasabka loogu soo dagaal
geliyey. Ninkan ayaa noo sheegay in ay
Ciidamada Tigreag mariyeen wado kale oo ay
is lahaayeen JWXO ma joogto, balse wadadaas
ayaa iyana waxaa dhufeys adag kaga jirey
cutubyo ka mid ah Ciidamada JWXO. Kuwaas oo
dharbaaxo lama filaan ah ku dhuftey Cidamnka
Tigrea. Waxaana u suurtoobi weysay
Ciidamadii Tigreaga in ay qaadan wayaan
dhaawacoodi, waxaana Jabhada ONLF u suurto
gashey in ay gacanta ku dhigaan 2 meelood
meel ka mid ah Ciidamadii Tigrea-ga ahaa.
Waxa uu
ninkaasi Soomaaliga ahi intaas ku darey in
ciidanka ONLF ee sidaas noo galay uusan
ahayn midkii waynaa ee aan ka lexanay,
laakiin hadii aan is heli lahayn ayuu yidhi
ciidankii fadhiyay wadadii aan markii hore
ka leexanay midi nagama soo noqdeen.
Dagaalkan ayaa waxaa ku soo dhaawacmey 4 nin
oo Soomali ah oo ka mid ah shaqaalaha
Kiliklka ee qasabka lagu dagaalgeliyo.
Saraakiisha Tigreaga aya amar ku bixiyey in
ay mar labaad dagaal qaadaan iyaga oo
kaashaanaya shaqaalaha Kilika, hase ahaatee
way diideen dadkii Soomalida ahaa in ay
baxaan. Jabhada ONLF ayaa iyadu bartii
dgaaalku ka dhacey aanan dhinacna u dhaafin
oo dhufeys adag ka gashey.
Magaalada Fiiq iyo nawaaxigeeda ayaa
waayahan waxa ay noqodeen xabaalaha Tigreega,
dhulkaas oo ah dhul istaraatiji dagaal leh
ayaa 3dii bilood ee ugu dambaysay ciidanka
Tigreega ah ee ku dhintey lagu qiyaasay tiro
kor u dhaafeysa 330. Tigreega oo culays
badan soo saaray nawaxiga Fiiq iyo galbeedka
Ogaadeenya ayaa waxay halkaasi kala kulmeen
guul daro aad u weyn
--Ogaden Online News |