|
|
|
|
|
Dad badan
oo Maxaabiis ah oo laga qaaday Jigjiga |
Feb 08,
2008 Warar goor dhawayd naga soo gaadhay
magaalada Jigjiga ayaa waxa ay shegayaan in
maxaabiistii ku xidhnayd jeelasha Jigjiga
badankood la qaday oo loo qaaday Itoobiyada
Fog.
Dadkan maxaabiista ahaa qaar kamid ah
qaraabadoodii oo jooga Addis ababa ayaa waxa
ay ku jiraan baadi-goob bal meesha lageeyay,
dadkaas laga soo qaaday Jigjiga oo ayna
cidna war ka haynin in Adis ababa lagu
xidhay iyo in ladhaafiyay.
Warar maalmahan la isla dhex marayay
magaalada Jigjiga ayaa waxa ay sheegayaan in
Dhamaan maxaabiista ku jirta jeelasha
magaalooyinka Ogaadenya in Tigreegu ay
damacsan yihiin in lageeyo xadka lagu
muransan yahay ee Ertrea iyo Itoobiya oo
hadda laga filayo in dagaal ka qarxo.
Qorshaha qarsoon ee Tigreega ayaa ah in
dadkaas lagu daadiyo jiidda hore ee dagaalka,
si loogu qardeeyo miinooyinka iyo dhufayska
adag ee Eratariya.
Ehelada dadkan maxaabiista ah ayaa aad u
walaacsan, iyaga oo aan ilaa hada ogeyn
meesha maxaabiistaas la geeyey.
--Ogaden
Online News |
|
|
|
|