Dec 24,
2007 Wararka naga soo gaadhaya Gobolka
Qoraxay ayaa sheegaya inay Jabhadda
Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO) weerar
ballaadhan ku ekaysay goobta shidaalka laga
qodi jiray ee Jeexdin halkaas ooy
daganaayeen ciidamo fara badan oo ka tirsan
Milatariga Itoobiya.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Jabhadu
qabsatay goobtii dagaalku ka dhacey, iyagaoo
halkaas ku qabsaadey saanad Milatari oo
badan. Dagaalkan ayaa dhacey dabayaaqada
todobaadkii hore.
Sanadkii 1998 ayay ahayd markii ay shirkad
Shiinaha laga leeyahay oo shidaalka qodi
jirtayi iskaga huleeshay ceelka Jeexdin
kadib markii uu kaga dhintay hal Injineer.
Bishii April ee sanadkan 2007 ayay JWXO
weerar kan oo kale ku ekaysay goob Shiinuhu
ka baadhayay shidaal oo ku taalay tuulada
Cobole oo u dhow Dhagaxbuur, waxayna halkaas
ku dileen ciidan aad u tiro badan oo ka
tirsanaa milatariga Itoobiya iyo 9 Shiine ah
oo ah kuwii ka shaqaynayay goobta shidaal
qodista.
Wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya Seyum
Mesfin ayaa waraysi uu siiyey Wakaalada
wararka AFP ee wadanka Faransiiska kasoo
baxada todobaadkii hore ku sheegay in ONLF
dagaal ku wado xeryaha Ciidamada Itoobiya
iyo goobaha Shidaalka ay Itoobiya ka qodato.
Hadalka ka soo yeedhay Seyum Mesfin ayaa ah
qirasho uu qiranayo daagaalka JWXO ku hayso
Ciidamada Itoobiya.
Dhinaca kale, bishan Dec 21 ayaa cutubyo ka
tirsan Ciidamada wadaniga Xoreynta Ogadeniya
dagaal ku qaadeen Kubcad oo ku taala
duleedka Magaalada Jigjiga, halkaas oo
khasaare lixaad leh loogu geystey Ciidamada
Gumeysiga Itoobiya, inkasta oo aanan weli
helin faah-faahinta dagaalkaas.
--Ogaden Online News
|