Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Dagaalo xoogan oo ka dhacey Magalaada Gunagado


Jan 18, 2007 Waraka naga soo gaadhaya Gobolka Dhagaxbuur ayaa sheegaya in uu xalay dagaal aad u culus ku dhexmaray Ciidamada Gumeysiga Itoobiya (CGI) iyo kuwa Wadaniga Xoreynta Ogadeniya aaga Gunagado.

Sida warku sheegayo Ciidamada Wadaniga xoraynta Ogadenia ayaa soo dul dagey aaga demada Gunagado,  kadibna waxaa ka hortagay Maamul ku sheega Dabaqoodhiga ee degmada Gnagado. Hase ahaatee waxaa halkaas fara kulul ku qabtay Ciidamada JWXO.

Kadib ayay maleeshiyadii  Dabaqoodhigu gurmad u dirsadeen Magalaada Dhagaxbuur, ayada oo halkaas lagaga dilay Dabaqoodhiga 19 ka mid ah Maleeshiyaadka caloodshood u shaqqeystayaasha ah, waxaana nolol lagu qabtey 11 ka mid ah isla maleeshiyaadkaas.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in halkaas Dabaqoodhiga lagag furtay 4 BKM iyo hal baasuuke . Waxaana laga gubay 4 gaadhi oo nooca looyaqaano qooqanta.

Wararkii ugu dambeeyeyna waxay sheegayaan in Dabaqoodhiga dagaaladaas ku dhintey ay ka mid yihiin Gudoomiyihii Dhagaxbuur oo lagu magacaabi jirey Asad Axmed iyo Gudoomiye ku xigeenkii Gunagado oo aanaan haynin magaciisa oo sugan.

Sidoo kale waxaa iyagana la so sheegay in ay ku jiraa 2dii hogaan nabad galyo ee degmooyinka Dhagaxbuut iyo Gunagado.


La soco wixii ka soo kordhan warkan oo horudhac ah..

--Ogaden Online News

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.