Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Feb 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Newsflash Dhaqaalaha hoos u dhacay ayaa kalifay baahi badan-ICRC

Dhaqaalaha hoos u dhacay ayaa kalifay baahi badan-ICRC

E-mail Print PDF

Haayada International Committee of the Red Cross ayaa waxay sheegtay arbacadii 27/05/2009 in uu hoos udhaca dhaqaale ku keenan haayadaha samafalka

 iyo dadaalka gargaarba xaalad adag taas oo la xidhiidha dadka ku sugan dhulalka uu dagaalku ka socdo oo laga maanacay lacago ay eheladooda dibada kashaqeeye u soo direen.

Qoysaska saboolka ah dhaqaalahooda hoos u dhacay wuxuu keeni karaa cunta la’aan, xataa hadii ayna qiimaha cuntadu kor u kicin. Hadalkan waxaa yidhi Madaxa ICRC  Jakob Kellenberger oo shir jaraaid qabtay.

Saamaynta uu dhaqaalaha hoos u dhacay ee laxiriira lacagaha ladiro oo dadka jilicsan ee ku sugan aagaga ay dagaaladu ka socdaan oona ka maarmin, sida Afghanistan iyo meela kale, waa in aanu si xeel dheer u la soconaa. Ayuu hadalkii ku sii daray.

Dhaqaalaha dunida ee hoos u dhacay, dhibaata biniaandan keenay, iyo mid dabiici ah ayaa waxay u badan tahay in ay hayaada gargaarka ee Swiss ay kormarto kharashkii 2008, markka ay kormarto $1 bilyan, ayuu sii raaciyey Kellenerger.

Kharashka xiligan lagu jiro ayaa wuxuu isku celcelin kor u dhaafay boqolkiiba shan iyo labaatan (25%) markii loo eego 1990's.

Haayadan gargaar oo saldhigeedu yahay magaalada Geneva ayaa waxay sanad kii la soo dhaafay shaqo ka haysay 49 wadan. Hayadani waxay ka midtahay hayado kooban oo ka shaqeeya qolbalka Dafur ee Sudan, isla markaana waxaa ku baxday Sudan sanadkii la soo daafay $102 milyan.

Somalia waxaa ku baxay kharashkii labaad ee ugu badnaa sanadkii lasoo dhaafay, daadad wadanka qaybo ka dhacay iyo abaaro qaybo kale ka dhacay waxaa kaloo dhibaatadii sii kordhieyey dad boqolaal ku ah oo ka soo barakacay dagaalada Mogadishu, taas ayaa waxay keentay cunto la'aan dagaalada caadiga ah kasakow.

Afghanistan iyo Pakistan ayaa ah tusaale kale wadamada ay masiibooyinka dabiici ah iyo qiimaha cuntada oo kor u kacay ayaa ayaa sii adkeeyey noolasha dadka saboolka ah oo markoodi horeba la il daraa dhibaatooyinka dagaalka.

Shaqaalaha Red Cross ayaan ilaa iyo hada helin ogalaansho ay ku arkaan maxaabiista Somalia ku xidhan iyo goo in badan isku dayey.

Waxaa kaloo hoos u dhacay shaqadii ay ka wadeen Itoobiya, walow oo loo ogalaato in ay soo booqdaan maxaabiista laakiin waxaa shaqaalaha Red Cross loo diidaa in ay soo arkaan maxaabiista meelaha adag ku xidhan iyo maxaabiista siyaasadeed.

Dowlada Itoobiya ayaa ICRC waxay ka soo caydhisay Ogadenia ku dhawaad 2 sano ka hor iyagoo ku eedeeyey in ay taageeraan jabhada. Kellenberger ayaa wuxuu yidhi Red Cross way madaxbanaanayd waxayna ahayd dhaxdhaxaad lakiin qolo kasta way la hadlaysay.  

Source: Reuters

 
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,