Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Xaalad qalafsan oo soo foodsaartey Shacabka Magalaada Qabridahare


Jan 18, 2007 Wariyaha Ogaden Online ee Magaalada Qabridahare ayaa sheegaya in  jaha wareer la soo darsey shacabka Magalaada Qabridahare.

Sida warku sheegayo maanata ayey Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ka bilaabeen in ay dhamaan Shaqaala, Dabaqoodhiga, Ardayda, Ganacsatada iyo dadka shacabka ah ee dukaamada leh ku wargaliyeen in si deg-dag ah la isku soo duwaan galiyo.

Hadaba diwaan galintan ayaa waxa ay tahay in uu qofkastaaba uu keeno waraaaq uu sawirkiisu ku dhaganyahay, taas oo uu qofku ku canbaareenayo JWXO, sawirka iyo wardaas is wata oo ay xukumada Wayaahuhu dooneyso in ay u adeegsato Warbaahinta, iyada oo caalamka tuseysa in ay dadku ka soo horjeedaan JWXO.

Ma'aha markii ugu horeysy ee ay Xuukmada Adis Ababa isku daydey in an la timaado qorshe cusub oo ay ku jahawareerineyso caalamka iyo shacabka Ogadeniya. Todobaadyadii la soo dhaafey ayey waxaa magaakada Jigjiga ka bilowdey olole ay soo abaabuleen saaraakiisha Wayaanaha ee ka hawlgasha Ogadeniya, kuwaas oo dadka ku qasbayey in ay qabiilo ama Jilubyo kasta o dega Ogadeniya soo saaraan Warmurtiyeedo ay ku dhaleecanayaan JWXO.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaashaaas ma jiraan wax ka fulay.

--Ogaden Online News

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.