|
|
|
|
|
Jaaliyada
Ogadenia ee Minnesota oo qabatey shir ay ku sagootinaysay
Madaxda JWXO. |
Oct 09,
2007 Waxaa maalintii Sabtida ahayd
October 6, 2007 shir balaadhan oo ay soo
agaasintay Jailed
Soomalida Ogadenia lagu qabtay madasha
shiraraka ee magaalooyinka mataanaha ah ee
Gobalka Minnesota oo looyaqaano Convention
Center ka. Shirkan oo ay jaaliyadu ugu tala
gashay inay ku maamuusto sagootinta madaxdii
JWXO ee mudada 2 bilood ah u joogay howlaha
shaqada halganka Ogadenya wadankan
Maraykanka, shirkan ayaa waxaa ka soo qayb
galay wafti sare uu hogaaminayo Gudoomiyaha
JWXO Admiral Mohamed Omar Osman, oo
baryahanba socdaal howla shaqo ah ku marayay
dalkan Maraykanka. Waftiga ayaa si diiran
loogu soo dhaweeyay madashi shirka oo bilic
aad u saraysa lahayd, waxaa safaf u taagnaa
dhalinyaro dayar oo ree Ogadenya ah isuguna
jiray wilal iyo Gabdho intoda badan ku koray
wadamada qurbaha oo ku labisnaa labis aad
quruxsan ooy ku daabacanyihiin astaamihii
JWXO iyo qariiradii Ogadenya, dhalintan dada
yar ayaa ugu horayntiiba si xaraga eh u
gudoonsiiyay madaxda JWXO ubaxyo aad u
qurxoon, halka ay madaxdu ka gudoontay
dhalinyaradii ubixii ay sideen ayagoo dhoola
cadaynaya, dhinaca kale dhamaan waxay
bulshadii shirkan kasoo qayb gashay isu
taageen heeskii calanka Ogadenya oo ka mid
ahaa waxyabihii lagu soo dhaweeyay madaxda
ee bilicda sare uyeelay shirkan.

Shirka waxaa ugu horayntiiba aayado quraan
ah ku furay Sh. Maxamud oo kamid ah culimada
ugu caansan Gobolkan Minnesota oo baac dheer
u leh aqoonta diinta Islaamka, Sh. Mohamud
wuxuu wacdiga diinigia ah kadib ku daray
taariikhdii dheerayd ee loo soo maray
halganka Ogadenia, isaga oo sheeku si qota
dheer u faafaahiyay, sheeku wuxuu si aad ah
ugu guubaabiyay dhamaan shacabkii shirkan ka
soo qaybgalay oo isugu jiray Jaaliyada
Soomaaliyeed iyo Jaaliyada Ogadenya eek u
nool Minnesota inay garab istaagan
walaalohooda uu gumaysigu ku gowriirsaday
hadana umula dooxa, dhaca, kufsiga , xadhiga,
gubida iyo barakicinta, ka wada Gobolka
Ogadenya iyo wadankii Soomaaliyeed ee Xorta
ahaan jira.
Intaas kadib waxaa hadalka lagu soo
dhaweeyay siyaasiga rugcadaaga ah Maxamed
Cumar Gaange,oo ka mid ah siyaasiyiinta reer
Ogadenia ee ku nool gobolkan Minneota,
Siyaasi Gaange wuxu hadalkiisa ku bilaalay
soo dhaweyn iyo mahadnaq uu u soojeediyay
waftiga JWXO iyo qabanqaabiyayaashii
shirka,Wuxuu Caaqil Gaange si fiican u
qaadaa dhigay marxalada uu maanta marayo
halganka shacabka Ogadenia oo uu ku
tilmaamay inuu midha dhalay siyaasiyan iyo
caskariyan labadaba, siyaasigan caanka ah
ayaa isagu muujiyay sida uu marwalba u
garabtaagnyahay halgankan Ogadenya, uguna
baaqay Odayada iyi siyaasiyiinta u dhashay
ree Ogadenya ee ka gaabinaya hiilada
Halganka ee ku nool dunida dacaladeeda inay
dowr koodii ka qaataan halganka gobanimo
doonka ah ee ka socda Ogadenya.
Kadib
waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay hogaanka
qorshaynta iyo cilmi baadhista ee
JWXO-mudane Maxamud Nuur hadal kooban kadib
waxuu mudanuhi si diiran makarafonka ugu soo
dhaweeyay Gudoomiyaha JWXO, Admiral Moxamed
Cumar Cisman oo ay dhagaystayaashii tirade
badnaayi sacab iyo sawaxan ay farxad iyo
raynrayni ku dheehantahat ku soo dhaweeyeen.
Gudoomiyaha JWXO wuxuu si qota dheer uga
warbixiyay hawlihii shaqo ee ay u joogeen
wadankan Marakanka iyo guulihii ay soo
hooyiyeen, isaga oo uu gudoomiyihu tilmaamay
inay si aad u fiican ay isu soo afgarteen
dowlada maraykanka , iyo haayado farabadan
oo kala duduwan oo halganka ogaadenya waxtar
u leh, qudbadii gudoomiyaha JWXO oo dheerayd
runtiina dhinacyo badan taabanaysay ayay
dhagaystayaashii aad ugu maqsuudeen, tasood
kadareemaysay shucuurta ka muuqata
wajiyadooda. Gudoomiyaha ayaa jaaliyada ree
Ogadenya iyo mida Soomaaliyeedba ku booriyay
inay shacabkooda la gumaysto xoreeyaan naf
iyo maalna u huraan, inata ay ka hananayaan
macaanka iyo midhaha xoriyadana ayna nasanin
oysan is dhigan, lana dagaalaan cadowga
Somaali dhamaanteed kala gaabiyay maantana
baday qaxootinimada.
Waxaa
gudoomiyaha kadib khudbad shucuurta ka soo
qaybgalayashii shirka kicisay soo jeediyay
hogaanka arimaha dibada ee JWXO Mudane
Abdirahman Sh. Mahdi (Madey) khudbadii
siyasigan rugcadaag ah ayay dhagaysttayashii
aad ula dheceen, siyaasigan oo si qota dheer
uqeexay barnaamijka siyaasadeed ee ururka
JWXO, ayaa shacbigii u cadeeyay inay dhamaan
xafiisyada dowlada Maraykanka ay maan ta
taalo qadiyada Ogadenya oo aan hada kadib la
odhon doonin qadiyada Ogadenya lama yaqaano,
intaas wuxuu raaciyay mudane Madey inuu
manta dagaalkii caskari iyo ki siyaasada ee
ururka JWXO uu galay waji cusub ururkuna uu
si xoogan ugu diyaargaroobay tabaha iyo
dadaalkooda siyasiga ah tayadooda cidana ay
sare u qaadeen oo ayna wax wal wal ah ka
qabin cidamada maxasta ah ee gumaysiga
Wayaanaha.
Dhinaca kale waxaa xusid mudan Hooyooyinka
ree Ogadenya oo ah lafdhabarta halganka
gobanimo doonka ah
ee ka socda Ogadenya, si dii lagu yaqaanay
madashii shirka waxaa gabayo iyo buraanbur
qiiro ku dheehantahay ka soo jeediyay
Hooyoyin ka mid hooyooyinka ree Ogadenya ee
ku nool gobolkan minasota ee u jajaban
howlaha halganka Ogadenia. Suugaanta iyo
erayadii ay hooyooyinku halkaas ka soo
jeediyeen ayaa dareenkii shacabka kiciyay
samayn badan ku reebay dhagaystayaashii
nasiibka u yeeshay inay ka soo qayb galaan
shirkii qiimaha badnaa.
Ayadoyna qaybaha bulashadu u kala hadhin
shirkan taariikhiga ah ayaa dhinaca guurtida
Odayasha waxaa u hadlay caaqil Yusuf Gamadid
oo bulshada ree Ogadenya sharaf iyo haybad
ku dhex leh, caana ku ah taageerida iyo u
hiilinta halganka xaqa ah ee Ogadenya,
caaqil Yusuf Gamadiid ayaa si cilmayaysan
ugu sheegay dhagaystayaashii inay
halgankooda garab istaagaan, wixii xasarad
ku hayana ay hareerta iska mariyaan, Caqil
yusuf gamadiid wuxuu inataas ku daray inay
haday yihiin guurtida Odayadii ree Ogadenya
ee qurbaha kunool ayna u dulqaadan doodin
dhibaatada lagu hayo shacabka ree Ogadenya
een waxba galabsanin, wuxuu caaqil yusuf
cadeeyay haday yihiin Odayadii ree Ogadenya
ee qurbaha ku noolaa inay dadaalkoodii sii
xoojinayaan, wuxuu caaqilku ugu baaqay
Odayada ree Ogadenya ee gudaha dalka
Ogadenya ku nool inay ka dhiidhiyaan
xumaanta iyo gumaadka shacabka ay
dhexjoogaan ay masuulka ka yihiin cadowgana
u cadeeyaan inayna dulqaadan doonin umula
dooxa ay ku hayaan shacabka tabarta daran ee
ree Ogadenya, kuna booriyaan dhalinyarada
inay la dagaalaan gumaysiga oyna marna isu
dhiibin cadowgan naxariista daran

Mohamed Darba wayne
Radio Xoriyo, Minneapolis, MN. |
|
|
|
|