|
|
|
|
|
Cudur
waa loo dhintaa caqliyaraanse looma dhinto |
W/Q Maax Ibrahim
maaxbadan@yahoo.com
Jan 04, 2008
Sidaan la socono waddanka Ogaadeenya wuxuu
ku jiraa marxalad aad u adag oo waxaa ka
socda dagaal aad u culus oo u dhexeeya
Ciidanka Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya & Ciidamadda Itoobiya, dagaalkaas
oo hadda galay sanadkii 14 wuxuu kamid yahay
dagaaladda gobanimo doonka ee caalmaka kuwa
ugu waa weyn uguna caansan sida laga qiray
meelob badanoo dunida kamid ah.
Sanadihii dambeeyey waxay Jabhadda Waddaniga
Xoreynta Ogaadeenya soo hoyisay guulihii ugu
waaweynaa intii ay dagaalka ku jirtay
guulahaas oo dhanka milatariga, siyaasada, &
dhanka abaabulkaba isugu jira kuwaas oo ay
kamid yihiin dagaalo badan oo lagu jabiyay
ciidamadda Itoobiya ee jooga gudaha
Ogaadeenya, waxaana sadexdii sano ee ugu
dambeeyay ay Itoobiya ku wayday ciidmo aad u
badan oo ay kamid yihiin Saraakiil, Kornaylo
& askar intaba waxaana kamid ah dagaaladda
kuwa ugu caansan ee Itoobiya loogu gaystay
khasaarooyin laxaadleh Dagalkii weynaa ee
Mandad ee ka dhacay aaga Shilaabo,
dagaalkaas oo loo awood sheegtay ciidama
Itoobiya ee dulmiga ku jooga ciida
Ogaadeenya, waxaa kale oo lagu jabiyay
ciidankii gurmarka ahaa, waxayna Jabhadda
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya halkaas
daganaayeen 3 maalmood oo ay u diideen in ay
ciimadda Itoobiya isu soo gurmadaan oo looga
dhaartay in ay baabuur marto wadada cad ee
loo yaqaano jayga iskuna xidha Qabridahare &
Shilaabo.
Guulaha joogtada ah ee jabahdu soo hoyiso
ayaa dhabar jab ku ah kuwa dabo dhilifka u
ah gumaysiga Itoobiya ee ku naaxay dhiiga
shacabka iyadoo Itoobiya marwalba uruursata
dadka Ogaadeenya kuwa ugu garashada yar
marwalbana fuliya danaha gumayiga Itoobiya,
waana arin caadi ah in markuu gumaysi umad
qabsado uu qaybi oo xukun ku sameeyo.
Akhristoow waxaan wax yar ka ifinaynaa ninka
Tigreega uga wakiilka ah Ogaadeenya ee loo
yaqaano Lugbuur ninkaas oo aan ku tilmaami
karo in uu ugu horeeyo dadka bani aadmka ah
kuwa ugu garashada yar sideedaba bani
aadamka Illaahay Caqliga uma uusan simin oo
labo walaalo ah ayaa midka yar geedka loogu
yedhaa midka weyna laga tagaa garashadda
owgeed (Caqligu waa quud waa kii layidhi).
Hadaba ninkani wuxuu madaxweynenimada uu ku
magacaabanyahay ku noqday waa garasho yarida
waana waxa ay Tigreegu ku xusheen waayo
waxay u baahanyihiin qof aan dareen iyo
damiir fayoow toona lahayn waxaynuna
arintaas ku xaqiiqsanaynaa ceebaha aan
qiyaasta lahayn ee uu Lugbuur
dhextaaganayhay habeen iyo dharaar oo aynaan
qormadan iyo kuwo badan oo kale toona ku soo
koobi karin.
Waxaa lawada ogyahay madaxtinimada Lugbuur
in ay u taagantahay oo kaliya sixiixa &
hadba waxa ay Tigeergu doonayaan in uu
fuliyo waxaa kale oo loo dhiibaa wax kasta
oo ay ka xishodaan saraakiisha Tigreegu in
ay ku hadlaan isaga ayaan ileen xishood iyo
damiir lahayne wuxuu aad ugu celceliyaa wax
aad xaqiiqada iyo caqligaba uga fog isagoo
aad isula saxan ayuu hadaaqaa sidii ilo
caruur ah waxaad kolalka qaar is odhan muu
iska aamuso.
Mar hadii uu madaxweeyne isu haysto waxay
ahayd in uu hadalkiisa miisaamo waxaase ka
hiilinaysa garasha la’aanta aan kor ku
xusnay oo ma awoodo in uu isudheeli tiro
hadaladiisa kolka la waraysanhayo, hadii aad
dhagaysato waraysiyadda uu Lugbuur siiyo
Ideecadaha waad yax yixi oo waxaad dhawri
hareerahaaga sidii adigoo adigu wax bi’iyay
waxa uu ku hadlo erayadda uu marwalba ku cel
celiyo ee aad isdhihi show mar intuu duubay
ayuu u saaraa Ideecadaha waxaa kamid ah,
waxaan la tacaalayna Gaajada, Macaluusha,
Dimiqraadiyadda, iwm taas oo dhamaanteed
aysan waxba ka jirin oo ay Lugbuur & kuwa uu
uga wakiilka yahay waa Tigreegee ay umadda
Ogaadeenya ku hafraan isla markaasna ay
saxaafada caalamka u sheegaan.
Waxaa jirta dhibaato joogta ah oo ay
kuhayaan shaacbka Ogaadeenya sanadkii
dhamaaday waxay bulshadda Ogaadeenya ku
sameeyeen xasuuq aynan u kala aaba yelin
Aabo, Hooyo, Ilmo, & Xoolahaba. Wuxuuna
sanadkaasi ahaa sanad tacadiyadda aduunka ka
dhaca kuwii ugu waaweynaa uu ka dhacay
Ogaadeenya taas oo ay bulshadda caalamku
cadeeyeen.
Akhristoow Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya waxay balan ku qaaday in ay u
hiilinayso shacabkeeda kana dhicinayso
gumaysiga haysta ee ku habsaday xili aad u
fog, waxaana maanta soo udgaysa saxan saxo
xoriyadeed taas oo bulshada Ogaadeenya meel
ay ay u oomanyihiin isla markaasna ay garab
taagan yihiin Jabhdda xaq udirirka
Ogaadeenya, waxaanad maanta arkaysaa isku
tashiga umadda gudo & dibadba Jaaliyaadka
Ogaadeenya oo wadda dadaal xawli ku socoda
oo dhakafaar ku noqoday gumaysiga &
dabadhilifkiisaba waana mida maanta gabi
kusoo dumay ku noqotay Meles & shaqalihiisa
caqliyrae Lugbuur ugu horeeyo.
W/Q Maax Ibrahim
maaxbadan@yahoo.com
Qoraaladii
hore ee Maax Ibraahin
Qabridahare
waa in laguu aara:
Maax Ibrahim
Hargeisa
vs Ogadenia
Maax Ibrahim
|
|
|
|
|