Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Shaqaaqooyin ka bilowday qaybo kala gedisan oo dalka kenya ka mid ah

Dec 29, 2007 Rabshaddo ba'an ayaa hareeyey guud ahaan dalka kenya kadib markii guddiga doorashooyinka dalka ee ECK ay dib u dhiggeen ku dhawaaqidda cidda ku guulaysatay madaxtinimadda dalka,Iyagoo sheeggay in ay jiraan meelo badan oo aan weli la tirin codadkii ka yimid,

Arrintan ayaa cirka isku shareertay ka gadaal markii madaxwaynaha dalka kenya Mwai Kibaki oo si aad ah uu uga horreeyey hoggaamiyaha ugu tunka wayn mucaaradka dalka uu ku soo dhawaaday,taasi oo dhalisay shaki ah in ay dhici karto in codadka lagu shubto,

Tiro dad ah ayaa ku geeriyooday caasimadda kenya ee nairobi goor horre oo maanta ah,iyadoo kumanaan kun oo qof oo caraysan doonayana in natiijadda lagu dhawaaqo in dibadbaxyo waawayn oo rabshaddo wata ay ka dhiggeen magaalooyinka waawayn ee dalka,Waxaanna guud ahaan ammaanka dalka haatan gacanta u galay militariga si ay u ilaaliyaan sharciga iyo kala dambaynta

Goobaha ganacsiga ee xaafadda ay somalidu ka degto magaaladda nairobi ayaa ah maalintii sedexaad mid ay albaabadda ay u laaban yihiin,Waxaanna dadku ay aad uga cabsanayaan rabshadaha haatan dalka ka socda,Iyadoo xaafaddaasi islii maanta aysanba jirin wax gawaari ah oo ka shaqaynaya,Waxaanna haawanaya dariiqyadda waawayn ee xaafaddaasi,iyadoo mararka qaar ay dadku kala cararayaan walow aysan garanaynin waxa laga cararo

In ka badan 17 wasiir oo ka tirsan xukuumadda madaxweyne Kibaki ayaa lumiyey kuraastoodii inkasta oo ay la sheegayo in codadka ilaa iyo hadda dhiman ee aan la tirin ay u badan yihiin gobollada uu awoodda ku leeyahay madaxweynuhu.

Korjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada dalka Kenya ayaa iyaguna sheegay in qaabka loo soo abaabuley barnaamijku uu yahay mid heer sare ah xaaladduna ay wanaagsan tahay.

Guddiga doorshada Kenya ayaa soo saaray qayb kamid ah codadka sheegayna in labada musharax ay wax yar uun ay haatan is dheer-yihiin,Iyadoo cabsi wayn ay maanta ka jirto guud ahaan dalka kenya


--Mursal Quule
Nairobi, Kenya
Ogaden Online News

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.