Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Wiil lagu magacaabo Dhakool Muxumed Deeq oo maanta lagu diley Koonfur Afrika

Jan 21, 2008 Maanta abaarihii 11 subanxnimo ayay tuug hubaysan oo koonfur-Afrikan ahi weerar kusoo qaadeen tukaan oo wiil Soomali ahi lahaa oo kuyaala Tuulada Sinoorisbaas oo u dhow magaalda Capte Town ee Gobolka Western Cape, waxayna toogasho ku dileen Alle ha u naxariistee Dhakool Muxumed Deeq oo tukaanka ka shaqaynayay.

Sida warku sheegayo Dhakool ayaa waddanka joogay muddo yar oo aan 2 bilood dhanayn. Alle ha u naxariistee Dhakool ayaa lafilayaa in Barri maydkiisa lagu aaso magaalada Cape town.

Toddbaadkii hore ayay ahayd markay dad Konfur-Afrikan ah oo ka cadhaysan dil loo gaystay nin tuug ahoo wadanka u dhashay ay boobeen 32 tukaan oo ganacsato Ssoomaali iai ku lahaayeen Tuulada Jefresbey oo 70 KM u jirta magaalda madaxda Gobolka Eastern Cape.

--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.