|
|
|
|
|
Wiil Soomaali
ah oo xalay lagu diley Koonfur Afrika |
Jan
08, 2008 Waxaa
xalay fiidkii lagu dhex dilay dukaankiisa
Alle ha u naxariistee AXMED C/WAHAAB AW-QAASIN
.
Waxaa marxuumka dilay budhcad hubaysan oo
koonf Afrikan ah,wuxuuna dukaanka ku lahaa
meel u dhow magaalada Rusternburg ee Gobolka
North West.
Falnkan lagu diley marxuumka ayaa waxaa lagu
dhaawacey wiil kale oo Soomalai ah oo
dukaanka la joogey.
Todobaaad ka hor ayey ahayd markii budhcad
hubeysan oo Koonfur Afrikaan ahi ay
dukaankiisa ku dishey wiil Soomaaliyeed oo
lagu magacaabi jirey
Cabdi Cumar
Nuur (Cumar musbaar).
--Ogaden Online News |
|
|
|
|