|
|
|
|
|
Wiil
Soomaaliyeed oo Budhacad kudishay Koonfur Afrika |
Jan
01, 2008 Abbaaraha
1 dii duhurnimo ee wakhtiga Koonfur Afrika
ayaa wiil magaciisa layidhaahdo Cabdi
Cumar Nuur (Cumar musbaar) ayaa waxa
lagu dilay Dhudhuza oo magaalada
Johannesburg 35km Koonfur bari uga jirta.
Marxuumka alla ha u naxariistee waxa uu
wadanka joogay muddo bil kayar, oo weli ma
uusan qaadanin warqadda sharciga ah ee
qaxootiga, wiilku waxa uu rabay in uu isagu
iskii u furto dukaan, oo waxa uu ahaa nin
wadanka layimid lacag, sidaas daraadeed ayaa
Dukaankan lagu dilay oo uu lahaa wiil ay
ilma adeer ahaayeen oo isaguna bas ugu
dhintay isbitaalka Johannesburg Bishii
November 2007 ayuu joogay oo uu rabay in uu
alaabada qiimeheeda ku kala barto inta uu
dukaan ka helayo.
Hase ahaatee waxa soo weeraray Budhcad Madow
ah, isna waxa uu ula soo baxay qori dukaanka
yaalay, nasiib darrose waa lagala hormaray
oo xabbaddii ugu horaysay waxay kaga dhacday
calaacasha gacantii uu qoriga ku hayay,
qorigiina way jabisay, xabaddii labaadna
waxa ay kaga dhacday Wadnaha oo isla
markiiba uu jilbaha dhulka ku dhufatay oo
sidaas ku naf baxay,l aakiin tuugadii waxa
ay moodeen in uu ninku nool yahay oo uu u
abbanayo wayna cararen iyagoo aan dukaankii
hal shay ka qaadanin,wiilashii lajoogay
isagoo jilba-joog ku nafbaxay ayay u
yimaadeen,saaka ayaana lagu aasay qabuuraha
muslimiinta ee Johannesburg.
--Ogaden Online News |
|
|
|
|