|
March 09,
2008 Wararka ka imanaya magaalada
Jigjiga ayaa sheegaya in doraad wadooyinka
magaalada la soo dhoobey Ciidamo aad u badan,
kuwaas oo xayirey dhamaan isu socodka
ganacsiga ee magaalada.
Ciidamadan ayaa waxaa lagu sii dhexdaayey
bulshada dhexdeeda iyaga oo xabsiga dhigayey
qofkii aanan haysan waraaqaha aqoonsiga.
Sidoo kale, waxaa isla doraad la jarey
dhamaan khadka Telefonada ee Magaalada.
Dhinaca kale, waxaa aad looga soo
calaacalayaa xaalada abaareed ee saamaysay
shacabka dalka oo dhan, haba ugu darnaato
biyo la aani.
Sida warku sheegayo waxay Ciidamada Itoobiya
hor istaageen booyado biyaha ka ganacsada oo
doonaya in ay dadka tabaaleysan biyaha ka
iibiyaan.
Halkii Foosto ee biyo ah ayaa hadii la helo
waxay magaalada Dhagaxbuur ka maraysaa 30
Bir.
--Ogaden Online News |