Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Suldaan Fowsi iyo laba nin oo kale oo xXabsiga laga baxey
Jul 21, 2008 Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in habeen hore xabsiga Jeel Ogaden ee Magaalada Jigjiga markii 2aad lagala baxay Suldaan Fowsi iyo 2 nin oo kale.

Sida warku sheegayo Suldaanka iyo labadan nin oo aanan haynin magacyadooda ayaanan ilaa hada la xaqiijin karin meesha loo qaadey, iyada oo warar aan sugneyn ay sheegayaan in loo qaadey Xabsi lagu magacaabo Suwaay oo ku yaala Adis Ababa.

Dhinaca kale, waxaa ka soo horjeedka Hotelka Nasiye ee Magaalada Jigjiga lagu qabtey nin magaciisa naloogu sheegay Faarax Xabeeb oo ka yimid Magaalada Boosaaso isaga oo qaraabo Salaan u yimid.

Ilaa hada ma cada meel lagu hayo ninkaas shacabka ah, iyadoo qaraabadiisu ka soo wayday dhamaan xabsiyada magaalada

--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.