|
|
|
|
|
Xaafadaha
Dumarka Jigjiga oo ay saraakiisha Tigreaagu shir deg-deg ah
u qabteen |
Jan 12,
2008 Magaalada Jigjiga oo ka kooban 8
xaafadood ayaa shalay waxay saraakiisha
Tigeegu shir deg-deg ah ugu yeereen dumarka
degen Xafaadaha Magaalada.
Shirkan oo ka dhacey xarunta Maamulka iyo
Maareynta ayaa waxaa hogaaminayo ninka lagu
magacaabo Wolda Adwa oo ah ninka Gumeysiga
Itoobiya u soo dirsadeen Ogadeniya. Mr.
Wolde Adwa isaga oo ku hadlaya luuqada
Axmaariga ayuu hadalkiisii ku bilaabey "Nimanka
suuqa Jigjiga ku dhex dhafoorinaaya shacka
bka Tigreega ah waxaa garabsiinaaya Dumarka
xaafadahooda kireeya"
Mr. Wolde waxa uu hanjabaad ku bixiyey
in talaabo laga qaadi doono qofkii aanan
hubsan cida uu ka kireynayo gurigiisa.
Magaalada Jigjiga ayaa waxay sirdoonka
Itoobiya ku sii dhexdaayeen dhalinyaro
gaareysa qiyaastii 350, kuwaas oo loogu
talagalay in ay soo jaajuusaan cida ay ku
tuhmaan Ururuka ONLF. Dhalinyaradan ayaan
haba yaraatee wax mushaar ah loo qorin,
waxaana lagu qanciyey in ay ka mid yihiin
xisbiga talada Maamulka haya, waxaana loo
sheegay in ay mustaqbalka ka mid noqon
doonaan gudiga fulinta.
Sida warku sheegayo dhalinyaradan ayaanan u
hawlgelin sidii ay sirdoonka Itoobiya
filayeen, waxayna intooda badan door bideen
in ay danahooda raacdaaan, kadib markii ay
fahmeen ujeedada ka dambeysa shaqada loo
direy oo ah cidhintirka dadka dadkooda.
Dhinaca kale, xafiiska Maaliyada ee Maamulka
Dabaqoodhiga ayaa maanta oo Sabti ah
mushaarkii ka joojiyey 950 qof oo ka
shaqeeya Gobolka Jigjiga, kuwaas oo looga
baqayo in ay ku biiraan xoogaga ONLF, ayaa
maanta khal-khal badan gelisay intii ka soo
horjeeday ONLF
--Ogaden Online News |
|
|
|
|