Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Monday
May 21st
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Horn News Ogaden Ciidamada ONLF ee sida gaarka u tababaran oo dagaal ku qaadey Gudaha Jigjiga

Ciidamada ONLF ee sida gaarka u tababaran oo dagaal ku qaadey Gudaha Jigjiga

E-mail Print PDF

Cutub ka tirsan ciidanka JWXO qaybta Gorgor oo aad u hubaysnaa oo sh kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa habeenkii Isniinta ahayd ee Taariikhdu ku beegnayd 05 Dec. 2011 dagaal ka dhex bilaabay gudaha magaalada Jigjiga,dagaalkaas oo argagax weyn ku riday ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo wakiiladiisa Ogadenya  ayaa kasoo bilowday  meesha la yidhaahdo  Sheekh Cali Guure oo dhanka koonfur kaga beegan magaalada Jigjiga  kadibna la isla soo galay gudaha magaalada.

Dagaalka oo ahaa mid si khibradi kujirto loosoo qorsheeyey ayaa biloowday fiidkii wuxuuna si aad ah ugu fiday xaafada ABLEELAHA ee magaalada Jigjiga, iyadoo ay adkaatay in dhinacna laga saaro magaalada waxayna rasaastu is daba maraysay muddo ilaa markii dambe ciidamo gurmad ahi ay yimadaan goobta, khasaaraha Wayaanaha (Ciidamada Itoobiya) ayaa weli si faahfaahsan u cadayn, balse wariyaha Ogaden Online iyo Radio Xoriyo uga soo warama magalada Jigjiga ayaa sheegay inay dhimasho iyo dhaawac dhanka Wayaanaha ah jirto,dadkana laga qarinayay inay wax ka ogaadaan.


Shacabka dagan xaafada uu dagaalku ka qarxay ee ABLEELAHA  ayaa habeenkii oo dhan la seexan waayey walwal iyo sawaxanka hubka la is weydaarsanayay, waxayna cadeeyeen aroornimadii in ciidamadii JWXO ee dagaalka ku soo qaaday magaalada Jigjiga si nabad galyo ah kaga baxeen. Maamulka dabaqoodhiga ah ee Jigjiga iyo ciidamada gumaysiga ee ku sugan Jigjiga ayay wareer weyn iyo cabsi xoogani ku keenay weerarkan ay ONLF ku soo qaaday Jigjiga. Suuqyada iyo meelaha dadku iskugu yimaado ayaa dhowrkii maalmood ee u dambaysay waxay hadal hayntu ahayd sida kalsoonida leh ee ay cutubyada Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaden (JWXO) dagaalka uu soo qaadeen halkii xarunta iyo xamaamka u ahayd wakiilada iyo dabaqoodhiyiinta gumaysiga. Sida uu noogu soo waramay wariyaheena Magaalada Jigjiga labadii qof ee meel istaagtaba waxa ugu weyn uguna xiisaha badan  ee ay ka hadlayeen ayaa ahayd dagaalkaas Jigjiga ka dhacay habeenimadii Isniinta.

Khadadka isgaadhsiinta ee telefonada iyo Internet-ka ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay hawada laga saaray si aan loo maqlin loona tabinin  dagaalkaas ka dhex qarxay gudaha magaalada Jigjiga 05-Dec.2011.

Dhanka kale waxaa dagaalkan loo xidhxidhay dad shacab ah oo kor u dhaafaya 60 qof una badan dadka dagan aaga uu dagaalku kasoo bilowday iyo xaafada uu ku soo fiday. Xaalada magaalada Jigjiga  ayaa hada yara degen kadib markay dhowrkii habeen ee u dambaysay bandow ahayd.

Comments (6)Add Comment
0
...
written by BASHIR OGADENIA, December 11, 2011
thats what im talking about this is good news i believe this time everything change the war inside the cities thats the war we need now im so proud to hear that this attack shows me that ONLF they have strong enough to control ogadenia cities i wanted congratulate onlf young men and women who behind this attack Lets continue to attack inside the cities
0
...
written by Hassan, December 12, 2011
New face of OGADEN war could be life change we would like to see this kind of war this is begining of hard war a head that mean ogadenia cities they can be the war zone the people who are live in the city they have to leave in the citysoon
0
...
written by mohamed, December 12, 2011
we are promise hundred Ethioian woyaane they gonna die because they are deserveved This is not maqale THIS is OGADEN so i agree for so many people said Ethiopia dictator he doesnt care about woyane people he just wanted to destroy them if we count how many woyane troops who died in OGADEN last 30 years could be more than one million woyane soldiersand they are continue to die
0
...
written by Hibo, December 13, 2011
who gonna stop us jigjiga or other places i believe ogaden national Lebration they can do anything they want inside and outside of ogadenia city im not really surprised for this attack they have done similiar attack outside the city but this one how amazing was attack and control iinside jigjiga thats is game change im so proud for this attack i hope more attack will be on the way inside city i agree some of the people say the people in the area they must leave before is too late because jigjiga is could be in the front line
0
discount north face jackets
written by discount north face jackets, December 29, 2011

And this moment is also a good chance for customers to get cheap North Face jackets. And it is also a good chance for North Face store to raise its North Face sale volume.
0
...
written by cool grey 11, January 08, 2012
That's really informative
Thanks

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Thursday, 15 December 2011 01:16 )  

Video Feed

Video Feed

Related Items