Ururka Midowga Ardeyda Ogaden ee Gobolka Minnesota ayaa waxay habeenkii Sabtida ee bisha October 15, 2011 magaalada San Diego ee Gobolka California ku soo bandhigeen Riwaayaddii "Qabkii Beenta ahaa haku Quusto Gumetyste”. Abaabulka iyo diyaarinta Riwaayda ayaa waxaa kaalin lixaad leh ka qaatey Jaaliyadda Soomaalida Ogaden ee San Diego.
Riwaayaddan ayaa waxaa kasoo qaybgaley shacabweynaha Soomaalida Ogaden ee magaalada San Diego iyo walaalaha Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Jamhuriyada Somalia. Riwaayadaas oo ciwaankeeda laga dareemi karo ujeeda ay xambaarsantahay ayaa waxay ahayd Riwaayad si aad ah loo soo habeeyey marka aad eegto qaabka taxanaha ah ee loo jilayey iyo suugaanta hodanka ah ee ay adeegsanayeen jilayaasha Riwaayaddu.
Dhinaca kale, jilayaasha Riwaayada ayaa waxaa marti ku ahaa jilaayaal riwaayado hore uga caan baxay oo dad weynihu aad u xiiseeyaan sida Xaliimo Mohamed “Xaliimo Gobaad” iyo Abdirahman Sheikh Ahmed oo aad uga barateen riwaayadihii caan baxay ee xasuuqii shacabkeyga xisaabaa ka dambeyn, Damane yaa wax usheega, Hagardaamo gumeysi halgamaa wax mayeesho iyo riwaayaddii xaqii shacabkaa dilaacay. Dhankasta marka laga eego munaasabadan xalay ka dhacday magaalada San Diego ayaa ahayd munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay jawi aad u qurxoona ku dhamaatay.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (1)

written by cheap true religion jeans, November 24, 2011
True Religion jeans are available in different colors and it helps you, in selecting the one of your own choice.
Write comment








