Chat 

Forum

Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links


 

Taariikh nololeedkii halgamaagii Sh ibraahim C/laahi Maxamad, Gudoomiyihii hore ee ururka ONLF


Sh Ibraahim C/laahi Maax waxa uu ku dhashay magaalada Qallaafo oo ka mid ah magaalooyinka taariikhiga ah ee wadanka Ogadeniya Itoobiya gumaysato, sanadku markuu ahaa 1941.

Tacliintiisii ugu horaysay, wuxuu ku qaatay tuulada (baarguun) oo 60km hilaadii u jirta magaalada Goday, halkaasoo uu ku bartay quraanka iyo naxwaha, iyo fiqiga shaaficiga, oo uu iiga magac dhabay, kitaabka (alminhaaj) ee imaamu nawawi allifay.

Culimada uu kutubtaa ka akhristay, wuxuu iyana iiga sheegay, (sh muxumad shibli), oo ah waalidka sheekha caanka soomaaliya ka ah (Sh Maxamuud Sh Muxumad Shibli).
Sheekhu quraanka wuu xifdisanaa, mase waydiinin goortuu xifdiyay, iyo mudada uu ku xifdiyay toona.

Kadib sheekhu wuxuu ka mid noqday raggii kontonaadkii qarnigii hore u lugeeyay, jaziirada carabta, si ay cilmi uga raadsadaan xajkana oogusoo gutaan.

Safar dheer kadib makka ayuu tagay, sanadku markuu ahaa 1959 wuxuuna marti ugu noqday halkaas, (Sh Maxamad Soomaali) oo ahaa culimada Jaziirada kuwa ugu waawayn, kana akhrin jiray, xaramka makka cilmiga xadiithka, isagoo halkaa arday ugu noqday, kutubna kaga akhristay uu iiga magac dhabay (saxiixul bukhaari).
Kadib, wuxuu u jeestay tacliinta nidaamiga ah, wuxuuna ka dhameeyay sakandariga madaraso, raacsanayd (machadka cilmiga ee riyaad).

Sanadku markuu ahaa 1970 wuxuu ka qalin jabiyay kuliyada shareecada ee jaamacada (imam maxamad binu sucuud alislaamiya).

Kadib wuxuu ku noqday soomaaliya wuxuuna ku biiray wasaaradii tacliinta ee jamhuuriyada dimoqraadiga soomaaliya, isagoo ka noqday macallin dugsiyada sare ee magaalada hargaysa sanadkii 1972 .
Kadib wuxuu u jeestay dhanka siyaasada, wuxuuna ku biiray (jabhada xorayna soomaali galbeed).
Wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii dhex maray soomaaliya iyo itoobiya 1977, isagoo ka mid ah jabhaddaas.

Kadib wuxuu ka mid noqday golaha dhexe ee (jxsg), wuxuuna u noqday wakiilkeeda u jooga dalka (imaaraatka carabta) ilaa sanadkii 1989.

Sanadku markuu ahaa 1984m waxay isaga iyo toban xubnood oo kale aasaaseen jabhada (onlf). Iyagoo hadafkoodu ahaa in qaraarka xoraynta soomaali galbeed ay u madaxbanaanaadaan reer soomaali galbeed, farahana looga bixiyo dawlada soomaaliya, oo markaas maamulka jabhada saamayn iyo jihayn wayn ku lahayd.

Kadib waxaa si rasmi ah loogu doortay gudoomiyaha jabahda sanadkii 1991, wuxuuna madaxwayne ka ahaa ilaa iyo sanadkii 1998

1999m sh ibraahim wuxuu aasaasay markaz cilmi baadhis oo mgaciisa la dhaho (المركز الإقليمي للأبحاث والدراسات الإستراتيجية في القرن الأفريقي )

Wuxuuna kazoo saari jiray majalad ama joornaal magaciisa la yidhaahdo (alqarnul carabi) oo macneheedu yahay (qeeska carabta) wuxuuna ula jeedaa waxa caalamka loo yaqaano (geeska afrika) isaguse waa diidanaa in geeska lagu magacaabo geeska afrika, maxaa yeelay wuxuu aaminsanaa soomaali dhamaanteed inay ka mid yihiin dhul iyo dadba khariidada carabta, sidaa daraadeedna geesku uu yahay geeska carabta!!.

Sh ibraahim wuxuu ahaa qoraa, caan ka ah dunida siiba inta wax ku akhrida afka carabiga, isagoo kutubtiisa badankeeda ku qoray afka carabiga, islamarkaana ku lahaa joornaalada iyo majalaadka khaliijka maqaalo aad u tira badan qaarkoodna ayba joogta u ahaayeen!.
Kutubtuu allifay waxaa ka mid ah:
  1. Alhaziima athaalitha lilxabashah 1982 (jabkii saddexaad ee xabashida).
  2. Tafsiiru taariikh 1992.
  3. Tafsiiru nidaal 1995 (tafsiirka halganka) wuxuuna ku qoray afka soomaaliga.
  4. Tuxfatul awfiyaa, limasiiratil taxriiri watacriibi filqarnil afriiqi, wuxuuna ii sheegay sheekhu inuu kitaabka magucuu ku allifay uu ahaa (alsiraacu baynal masjidi walkaniisah fil qarnil afriiqi) oo macnihiisu yahay halganka u dhexeeya masaajidka iyo kiniisada ee geeska afrika, laakiin uu u badalay arimo siyaasadeed darteed!.
  5. Macarakatul kharaaid filqarnil ifriiqi (dagaalka khariidooyinka ee geeska afrika) kaasoo uu ku odorosayo, khariidooyinka hada ka jira geeska afrika iyo dagaalka loogu jiro in wax laga badalo, kitaabkan sheekhu wuxuu ii sheegay inuu dhameeyay sanadkii hore 2007m, laakiin wali daabacaad ma helin ogaantay.

    Sheekhu  Aalaha u naxariistee_ wuxuu guursaday saddex haweena, ifkana wuxuu ubad kaga tagay, afar wiil iyo afar gabdhood.

    Sheekhu sifaad wanaagsan oo tira badan ayuu lahaa, hadaan ka xuso dhanka diinta wuxuu ahaa nin aad u daaco badan, aadna ugu dadaala salaada inuu ku guto jamaacada masaajidda, mar aan waydiiyay maxaad u joogi la,dahay yurub oo uu iqaamad kulahaa caruurtiisa badhkoodna daganyihiin, wuxuu iigu jawaabay, ma rabo inaan dago meel aan masaajid lagu tukado lahayn ama ayna sahlanayn tagistiisu!!.

    Wuxuu ahaa nin qur,aan akhris badan oo ay yartahay inuu ka tago wardigiisa habeenkii, waxaase iga yaabiyay inaanan sheekha ku arag isagoo kitaab quraana haysta, ama shandada safarka ku wata!! Markaan arinkaa waydiiyayna wuxuu iigu jawaabay, inuu quraanka loox ku xifdiyay, illaa hadana uusan u baahanin musxaf!!!.

    Dhanka siyaasada oo qudheedu soo hoosgalaysa diinta waxaan ka tilmaami karaa inuu ahaa, nin aad xabishada u neceb halgan dhinac kasta ahna u galay sidii loo jabin lahaa xabashida, dariiqaasna aan waligii ka leexanin, kuna danbaabi mayo qofkii yidhaahda (halgankii dartii ayuuba u naf baxay!!), hadii wax badan laga iloobo halgankiisa waxaan marnaba soomaalidu iloobi doonin halgankiisa xaga qalinka ee uu ka qoray taariikhda xabashida iyo asbaabta lagaga guulaysan karo, oo ah dhaxalka ugu muhiimsan ee uu ooga dhintay bulsha waynta soomaalyeed ee xoriyadoonka ah, islamar ahaantaana mudan in si qota dheer loo diraaseeyo.

    Sheekhu wuxuu geeriyooday duhurnimadii Axadii taariikhdu markay ahayd 18/6/1429h, oo waafaqsan 22/6/2008, wuxuuna ku geeriyooday magaalada Dubai

    Alaha u naxariisto sh ibraahim cabdala maxamad, jana fardawsana ha ka waraabiyo, eheladiisii iyo dhamaan umada soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan alaha ka siiyo.

    Waxa diyaariyay/ Dr: C/raxmaan Sh claahi C/raxmaan Madani)
    burjabis@hotmail.com

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.