|
|
|
|
|
Taariikh
nololeedkii halgamaagii Sh ibraahim C/laahi Maxamad,
Gudoomiyihii hore ee ururka ONLF |
Sh Ibraahim C/laahi Maax waxa uu ku dhashay
magaalada Qallaafo oo ka mid ah
magaalooyinka taariikhiga ah ee wadanka
Ogadeniya Itoobiya gumaysato, sanadku markuu
ahaa 1941.
Tacliintiisii ugu horaysay, wuxuu ku qaatay
tuulada (baarguun) oo 60km hilaadii u jirta
magaalada Goday, halkaasoo uu ku bartay
quraanka iyo naxwaha, iyo fiqiga shaaficiga,
oo uu iiga magac dhabay, kitaabka (alminhaaj)
ee imaamu nawawi allifay.
Culimada uu kutubtaa ka akhristay, wuxuu
iyana iiga sheegay, (sh muxumad shibli), oo
ah waalidka sheekha caanka soomaaliya ka ah
(Sh Maxamuud Sh Muxumad Shibli).
Sheekhu quraanka wuu xifdisanaa, mase
waydiinin goortuu xifdiyay, iyo mudada uu ku
xifdiyay toona.
Kadib sheekhu wuxuu ka mid noqday raggii
kontonaadkii qarnigii hore u lugeeyay,
jaziirada carabta, si ay cilmi uga
raadsadaan xajkana oogusoo gutaan.
Safar dheer kadib makka ayuu tagay, sanadku
markuu ahaa 1959 wuxuuna marti ugu noqday
halkaas, (Sh Maxamad Soomaali) oo ahaa
culimada Jaziirada kuwa ugu waawayn, kana
akhrin jiray, xaramka makka cilmiga
xadiithka, isagoo halkaa arday ugu noqday,
kutubna kaga akhristay uu iiga magac dhabay
(saxiixul bukhaari).
Kadib, wuxuu u jeestay tacliinta nidaamiga
ah, wuxuuna ka dhameeyay sakandariga
madaraso, raacsanayd (machadka cilmiga ee
riyaad).
Sanadku markuu ahaa 1970 wuxuu ka qalin
jabiyay kuliyada shareecada ee jaamacada
(imam maxamad binu sucuud alislaamiya).
Kadib wuxuu ku noqday soomaaliya wuxuuna ku
biiray wasaaradii tacliinta ee jamhuuriyada
dimoqraadiga soomaaliya, isagoo ka noqday
macallin dugsiyada sare ee magaalada
hargaysa sanadkii 1972 .
Kadib wuxuu u jeestay dhanka siyaasada,
wuxuuna ku biiray (jabhada xorayna soomaali
galbeed).
Wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii dhex maray
soomaaliya iyo itoobiya 1977, isagoo ka mid
ah jabhaddaas.
Kadib wuxuu ka mid noqday golaha dhexe ee (jxsg),
wuxuuna u noqday wakiilkeeda u jooga dalka (imaaraatka
carabta) ilaa sanadkii 1989.
Sanadku markuu ahaa 1984m waxay isaga iyo
toban xubnood oo kale aasaaseen jabhada (onlf).
Iyagoo hadafkoodu ahaa in qaraarka xoraynta
soomaali galbeed ay u madaxbanaanaadaan reer
soomaali galbeed, farahana looga bixiyo
dawlada soomaaliya, oo markaas maamulka
jabhada saamayn iyo jihayn wayn ku lahayd.
Kadib waxaa si rasmi ah loogu doortay
gudoomiyaha jabahda sanadkii 1991, wuxuuna
madaxwayne ka ahaa ilaa iyo sanadkii 1998
1999m sh ibraahim wuxuu aasaasay markaz
cilmi baadhis oo mgaciisa la dhaho (المركز
الإقليمي للأبحاث والدراسات الإستراتيجية في
القرن الأفريقي )
Wuxuuna kazoo saari jiray majalad ama
joornaal magaciisa la yidhaahdo (alqarnul
carabi) oo macneheedu yahay (qeeska carabta)
wuxuuna ula jeedaa waxa caalamka loo yaqaano
(geeska afrika) isaguse waa diidanaa in
geeska lagu magacaabo geeska afrika, maxaa
yeelay wuxuu aaminsanaa soomaali dhamaanteed
inay ka mid yihiin dhul iyo dadba khariidada
carabta, sidaa daraadeedna geesku uu yahay
geeska carabta!!.
Sh ibraahim wuxuu ahaa qoraa, caan ka ah
dunida siiba inta wax ku akhrida afka
carabiga, isagoo kutubtiisa badankeeda ku
qoray afka carabiga, islamarkaana ku lahaa
joornaalada iyo majalaadka khaliijka maqaalo
aad u tira badan qaarkoodna ayba joogta u
ahaayeen!.
Kutubtuu allifay waxaa ka mid ah:
-
Alhaziima athaalitha lilxabashah 1982 (jabkii
saddexaad ee xabashida).
-
Tafsiiru taariikh 1992.
-
Tafsiiru nidaal 1995 (tafsiirka halganka)
wuxuuna ku qoray afka soomaaliga.
-
Tuxfatul awfiyaa, limasiiratil taxriiri
watacriibi filqarnil afriiqi, wuxuuna ii
sheegay sheekhu inuu kitaabka magucuu ku
allifay uu ahaa (alsiraacu baynal
masjidi walkaniisah fil qarnil afriiqi)
oo macnihiisu yahay halganka u dhexeeya
masaajidka iyo kiniisada ee geeska
afrika, laakiin uu u badalay arimo
siyaasadeed darteed!.
-
Macarakatul kharaaid filqarnil ifriiqi (dagaalka
khariidooyinka ee geeska afrika) kaasoo
uu ku odorosayo, khariidooyinka hada ka
jira geeska afrika iyo dagaalka loogu
jiro in wax laga badalo, kitaabkan
sheekhu wuxuu ii sheegay inuu dhameeyay
sanadkii hore 2007m, laakiin wali
daabacaad ma helin ogaantay.
Sheekhu Aalaha u naxariistee_
wuxuu guursaday saddex haweena, ifkana
wuxuu ubad kaga tagay, afar wiil iyo
afar gabdhood.
Sheekhu sifaad wanaagsan oo tira badan
ayuu lahaa, hadaan ka xuso dhanka diinta
wuxuu ahaa nin aad u daaco badan, aadna
ugu dadaala salaada inuu ku guto
jamaacada masaajidda, mar aan waydiiyay
maxaad u joogi la,dahay yurub oo uu
iqaamad kulahaa caruurtiisa badhkoodna
daganyihiin, wuxuu iigu jawaabay, ma
rabo inaan dago meel aan masaajid lagu
tukado lahayn ama ayna sahlanayn
tagistiisu!!.
Wuxuu ahaa nin qur,aan akhris badan oo
ay yartahay inuu ka tago wardigiisa
habeenkii, waxaase iga yaabiyay inaanan
sheekha ku arag isagoo kitaab quraana
haysta, ama shandada safarka ku wata!!
Markaan arinkaa waydiiyayna wuxuu iigu
jawaabay, inuu quraanka loox ku xifdiyay,
illaa hadana uusan u baahanin musxaf!!!.
Dhanka siyaasada oo qudheedu soo
hoosgalaysa diinta waxaan ka tilmaami
karaa inuu ahaa, nin aad xabishada u
neceb halgan dhinac kasta ahna u galay
sidii loo jabin lahaa xabashida,
dariiqaasna aan waligii ka leexanin,
kuna danbaabi mayo qofkii yidhaahda (halgankii
dartii ayuuba u naf baxay!!), hadii wax
badan laga iloobo halgankiisa waxaan
marnaba soomaalidu iloobi doonin
halgankiisa xaga qalinka ee uu ka qoray
taariikhda xabashida iyo asbaabta lagaga
guulaysan karo, oo ah dhaxalka ugu
muhiimsan ee uu ooga dhintay bulsha
waynta soomaalyeed ee xoriyadoonka ah,
islamar ahaantaana mudan in si qota
dheer loo diraaseeyo.
Sheekhu wuxuu geeriyooday duhurnimadii
Axadii taariikhdu markay ahayd
18/6/1429h, oo waafaqsan 22/6/2008,
wuxuuna ku geeriyooday magaalada Dubai
Alaha u naxariisto sh ibraahim cabdala
maxamad, jana fardawsana ha ka waraabiyo,
eheladiisii iyo dhamaan umada
soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna
samir iyo iimaan alaha ka siiyo.
Waxa diyaariyay/ Dr: C/raxmaan Sh claahi
C/raxmaan Madani)
burjabis@hotmail.com
|
|
|
|
|