Chat 

Forum

Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links


 

Hadimada gumaysiga iyo shacab hormuud ah oo hogaaminkara Geeska Afrika: 1/2


Sida aan ognahay aduun galinba waacayn.haday umadi dhibaato kuraagto, waxaa hubaal ah inay mar uun kabixi-doono, hadheeraato ama hadhawaatee.

waxaan halkan ku soo bandhigayaa, qormo ku saabsan hadimooyinka gumaysiga, gaar ayaan midkan la'duldhigay shacabka Soomaalida Ogaadeeniya ee madaalaha ama maquustaha ah, iyo sida ay hada inoogu muuqato rajo ah inuu xaqiisii helidoono.

Waxaa shacabkan siggaar ah uladiriray gumaysigii reer Yurub,si uu u wiiqo umada soomaaliyeed iyo guud ahaanba muslimiinta geeska afrika, kadibna kuwareejiyay xilkii isaga-ahaa, gumaysi madaw oo manaxaan ah. waxay quwadaha shisheeye wali adeegsanayaan noocyo dagaal oy kamidyihiin, iska dhago-tirid dhibaatada shacabkan haysata, meelkasta oy fursad kaheli lahaayeen oy dhoobeeyaan, cadawga afrikaanka ah oy xoojiyaan had iyo jeer,iwm.

Waxay culimada qawaaniinta umadaha iyo cilmiga bulshada baadhaa, isku waafaqsan yihiin inuu "gumaysigu"kamid yahay waxyaabaha shucuubta badala,wuxuuna kadhigayaa mid [gumaysiga] danihiisa u adeega,wuxuu burburin gumaysigu wixii isku xidhnaan ahaa ee uu lahaanjiray mujtamacaasi,wixii caadooyin wanaagsan ahaa iyo dareenkii qiimaha insaaniyada, waxaakale oo uu caankuyahay gumaysigu inuu kala-dagaalamo umadaha, dhinaca tacliinta,dhaqaalaha iyo fikradaha caafimaadka-qaba. kadibna wuxuu isubadali mujtamaca lagumaystaa, mid aan isu-dheeli tiray, oon isku habaysnayn,ileen waxyaabihii isku xidhijiray waala-burburiyaye. Wuxuu sheegay qoraagii caanka ahaa ee"Maalik ibn Nabi" in uu gumaysigu qof-kasta oo kamid ah shacabka lagumaysto doonayo inuu kadhigo mid khaa'ima umadiisa, sitoosa ah ama si'aan toos ahayn!!

Iska-dhaaf taase, waxay culimada baadhitaanka kusamaysay bulshooyinka inta-badan lagumaysanayay sheegeen, in gumaysigu uu umadaha ubadalo waxkale, oon aadane ahayn, oo qofkii oo sawricii basharka leh, ayaa hadana wuxuu xaga hab-dhaqanka kanoqonayaa xayawaanka oo kale. Macnihii hab-dhaqankii duur-joogta ayuu yeelanayaa. Wuxuu sheegay taariikhyahankii waynaa ee "IBN KHALDUUN" in hadii uu gumaysigu kuraago shacab, uuba iska-baa-ba'ayo, oo meel uu galayba lawaayayo.

Waxaana hubaal ah in umadaha cida xukuntaa ay gacanta ku hayso nooca ay noqonayso, sidaa-awgeed, dadkeena mudo kabadan 100sano ayaa lagu barbaarinayay wax aan dantooda ahayn, si looga dhigo "mujtamac adoon ah" oo lagu shaqaysto ama xataa haduu diido kuxamaalashada, aan kollayba dantiisa garan-karaynin, haduu gartana aan qabsankarin wixii udan ah.

waxaakale oo ay cadeeysay cilmi baadhista casriga ahi, in umaduhu ay ku'hormaraan badanaa dhibaatooyinka. taas oo rajo aad uwayn inagalinaysa.iyo iyada ooy inoo muuqato, ifafaale shacabkeena kusaabsan, oo midaas cadaynaya. arimahan ayaan kufaah-faahindoonaa, qaybta 2aad ee qormadan, hadii Alle yidhaahdo.

Siyaad Hereri
saabir95@hotmail.com
Dec 16, 2006

Qoralada hore ee Siyaad Hereri: Badbaadada halganka Ogadenia
 

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.