Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Saturday
Oct 25th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Health You and Your Family Sida Loo Cabiro Cadaadiska Dhiiggaaga

Sida Loo Cabiro Cadaadiska Dhiiggaaga

E-mail Print PDF

War Guud

  • Cadaadiska dhiiggaaga waxa lagu hubiyaa laba tiro. Tirada sare (systolic) waxay muujinaysaa cadaadiska halbowleyaashaada (arteries) marka wadnahaagu garaac sameeyo. Tirada hoose (diastolic) waxay muujinaysaa cadaadiska halbowleyaashaada marka wadnahaagu nasanayo.
  • Cadaadiska dhiigga ee sareeya (high blood pressure) ama dhiig-karka waxa kale oo Ingiriisiga loo yaqaanaa “hypertension.”

Waxa la Rabo Inaad Ogaatid ka Hor Inta Aanad Cabirin Cadaadiska Dhiiggaaga

  • Qaado dawadaada ugu yaraan 30 daqiiqadood ka hor inta aanad cabirin cadaadiska dhiiggaaga.
  • Isku day inaad iska ilaalisid cuntada, cabista sigaarka, cabitaanka cabitaanada leh kafeyn, jimicsiga iyo cabista khamriga 30 daqiiqadood ka hor inta aanad cabirin cadaadiska dhiiggaaga.
  • Isku day inaad isticmaashid isku cudud wakhti kasta oo aad cabiraysid cadaadiska dhiiggaaga.
  • Haddii hal cudud ay kaaga rakiban tahay dhuun kaadi-sifeyn, cududdaa ha u isticmaalin cabirista cadaadiska dhiiggaaga.
  • Haddii lagugu sameeyay naas-jarid (mastectomy), ha isticmaalin cududda ku taala isla dhinaca qalitaanka lagu sameeyay.
  • Haddii uu kugu dhacay faalig (stroke), ha isticmaalin cududda ku taala isla dhinca uu saameeyay faaliggu.

Garo Inta la Rabo In Cadaadiska Dhiiggaagu Ahaado

  • Tirada cadaadiska dhiigga ee caadiga ahi waa 120/80.
  • Haddii uu kugu dhacay faalig, aad qabtid sonkor/macaan, cudur wadnaha ah, cudur kalyaha ah ama cudur kale oo ah xididada dhiigga, waa in cadaadiska dhiiggaagu noqdo 130/80 ama wax ka yar. Halista kaaga imanaysa dhibaatooyinka cuduradaa ama xaalado kale waxay hoos u dhacaysaa hadba marka aad si ammaan leh hoos u dhigtid cadaadiska dhiiggaaga.
  • La hadal dhakhtarkaaga haddii aad qabtid su’aalo ku saabsan inta la rabo in cadaadiska dhiiggaagu noqdo.

Goorta la Cabiro Cadaadiska Dhiiggaaga

  • Wakhtiga ugu fiican ee la cabiro cadaadiska dhiiggaaga waa marka aan walwal ama giigsanaan ku haynin ama aan xanuun ku haynin.
  • Samee cabirka ka dib marka aad fadhidid 5 daqiiqadood iyada oo cagahaagu fu fidsan yihiin dhulka.
  • Maalin kasta isku wakhti cabir cadaadiska dhiiggaaga.

Sida Loo Cabiro Cadaadiska Dhiiggaaga

  • Saar mishiinkaaga miis yaala meel degan. U hubso inaad dooratid miis aad si raaxo leh u saari kartid cududdaada sare oo la siman wadnahaaga.
  • Gasho shaadh/shaati gacmo gaaban ama iska saar. Duubka la buufiyo oo taabanaya maqaarka oo qaawan waxay kaa gargaari kartaa inaad heshid cabir sax ah.
  • Ku fadhiiso kursi taageero haboon u leh dhabarkaaga.
  • Duubka la buufinayo saar cududdaada oo ah meel 1 inji ka sareysa xusulkaaga ama laabata sida uu kuu sheegayo buugga isticmaalaha ee qalabka. U hubso in duubka la buufinayo aanuu aad u weynayn ama aad u yareyn. Waa inaad awoodid inaad galisid hal far hoosta duubka la buufinayo. Haddii duubka la buufinayo kala fuqo, waxa aad u baahan tahay duub intii hore ka weyn.
  • U hubso in cududdaadu si siman u saaran tahay miiska iyada oo baabacadda gacantaadu sare u jeedo. Waa in cududdaada sare la siman yahay heerka wadnahaaga. Haddii cududdaada sare ay ka sareyso ama ka hooseyso heerka wadnahaaga, waxa kuu soo bixi doona cabir khalad ah.
  • Labada cagoodba si siman u saar dhulka.
  • Naso 5 daqiiqadood.
  • Shid mishiinka oo raac fariimaha ku yaala mishiinka (ama ku qoran buugga isticmaalaha).
  • Mishiinku waxa uu soo saari doonaa tiradaada sare (systolic) iyo tiradaada hoose (diastolic).
  • Haddii uu kuu soo baxo cabir cadaadis dhiig oo ka sareeya intii aad filaysay, naso 5 ilaa 10 daqiiqadood ka dibna ku celi qaadista cabirka cadaadiska dhiiggaaga.
  • Haddii cabirka cadaadiska dhiiggaagu wali ka sareeyo intii aad filaysay, raac fariimaha la-sii-socodka ee ku yaala xagga hore ee warqaddan xaqiiqada ee ku saleysan cabirkaaga.
  • Qor taariikhda, wakhtiga, cabirka cadaadiska dhiigga, cududdada laga qaaday, tirada garaaca wadnaha iyo haddii aad qaadatay dawadaadii. Warkaa hore u soo qaado marka aad tagaysid ballanta aad la leedahay dhakhtarkaaga.
  • Bakhtii ama dami mishiinka.

Daryeelka Mishiinka

  • Mishiinka ku hay weelkii am boorsadii uu ku yimi.
  • Mishiinka ku kaydi meel ka fog kulayl, qabow iyo qoyaan ama suyuc. Ha ku kaydin musqusha ama meel u dhow baafka dhiqista ee jikada am madbakha.
  • Mishiinka ka fogee tiigsiga caruurta.
  • Mishiinka ha laguu hubiyo ugu yaraan hal mar sannadkii. Gee xafiiska dhakhtarkaaga ama xarunta dab-damiska ee degmada.
  • Raac fariimaha shirkadda sameysay mishiinka ee ku saabsan sida loo isticmaalo, loo nadiifiyo iyo sida loo kaydiyo mishiinka.
  • Haddii aanad helin cabir sax ah, la hadal dhakhtarkaaga.
Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Saturday, 09 May 2009 14:26 )  

Spotlight

 

Walking From The Ogaden In Ethiopia: Seeking Peace In Dadaab

he “firstly travelled by camel – given to me by my brother, to Danod in Wardheer. This...

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 134 guests online