Jimicsi joogto ah waxa uu ka mid yahay hab nololeed caafimaad leh. Dhakhtarkaaga kala hadal nooca jimicsi iyo qadarka aad sameyn kartid haddii:
- Aanad sameyn jirin firfircooni
- Aad qabtid dhibaatooyin caafimaad
- Aad uur leedahay
- Aad ka weyn tahay da’da 60
Hadafku waa inaad jimicsi sameysid 4 ilaa 6 maalmood todobaad kasta. Jimicsi samee 30 ilaa 60 daqiiqadood wakhti kasta. Si aan dhaawac kuugu dhicin, si tartiib ah u kordhi tirada maalmaha iyo qadarka wakhti ee aad sameysid jimicsiga.
Jimicsiga joogtada ahi waxa uu kaa gargaarayaa:
- Inuu sii fiicneeyo sida wadnahaaga iyo sambabadaadu u shaqeeyaan
- Inaad yeelatid miisaan caafimaad leh ama waxa uu kaa gargaarayaa in miisaan kaa dhaco
- Inuu ka yareeyo giigsanaanta iyo walaaca oo ay fiicnaato niyaddaadu
- Inay kaa yaraato halista cudur wadne xanuun, dhiig-karka ama cadaadis dhiig oo sareeya, lafo-khafiifsanka (osteoporosis) iyo sonkor/sonkorow ama macaan
Sida Loo Bilaabo:
Dooro jimicsi aad jeceshahay inaad sameysid.





