Cudurada ku dhaca wadnaha oo aad u fara badan ayaa hadana mid waliba mid kale ka sii daran yahay. Waxyaalo badan ayaa sababi kara in qofka wadnaha laga qabto oo ay ka mid yihiin artery plaque, high blood pressure, diabetes, high cholesterol, etc. Hadii aan isku dayo inaan qeexo sababahan mid ka mid ah oo ah Xididada dhiiga oo is xidha ( Artery Plaque) ayaa waxay keeni kartaa in uu qofka wadnaha laga qabto oo uu dareemo culays faro badan oo xabadka ka fuula. Inuu qofku dareemo inuu naqaska ku dhagayo sidii isagoo neef qabo oo kale. Maadama aysan xididadii dhiiga wadanaha ka soo qaadi lahaa awood badan u lahayn inay shaqadooda gutaan ayaa waxaa dhici karto condition loo yaqaano (angina) or heart attack.
Angina: waa xaalad uu qofku dareemayo culays badan oo xabadka ka fuula taas ooy ay oogu wacantahay la’aanta dhiigii sifaysnaa ee wadanaha. Markay kugu dhacdo xaalada (Angina) waxaa kaloo dareemi kartaa pressure fara badan ama xanuun ka imaanaya garabka, gacanta, wajiga lafihiisa, qoorta, iyo waliba dhabarka. Hadii ay arintani kugu dhacdo waxaa aad iyo aad muhiim u ah inaad gargaar caafimaad oo deg deg ah raadsato maxaa yeelay waxaa la arkaa inuu wadnahu shaqadiisa gaabiya (Heart attack). Hadii uu qofku helo gargaar caafimaad oo deg deg ah waxay u badan tahay in conditionka la dawayn karo. Hadiise uusan qofku helin amaba raadsanin daawo arintani waxay sababi kartaa wadnaha oo joojiya shaqadiisa oo dhan (Heart failure) amaba jirka qayb ka mid ah oo baralays noqota (paralysis).
CAD amaba xididada wadnaha oo is xidha waa nooca oogu fudud ee la dawayn karo marka la eego cudurada wadnaha ku dhaco. Laakiinse hadii aadan iska dawayn waxay sabab u noqon kartaa waxyaalo badan oo naftaada dhibaatooyin waawayn u geysan kara. Bal hadaba wax is waydiis ma xumee side ayuu qofku ooga hortagi karaa arintan. Dhaqaatiirtu waxay kula taliyaan dadka inay cunto caafimaad leh cunaan, ay iska dhimaan culayska jidhka, eey jimicsadaan, sonkorta iyo saliida ay iska ilaaliyaan, iyo inay sanadkiiba mar dhaqtarkooda la kulmaaan.
By Hodan Hassan








