|
|
|
|
|
Ugaas
Abdiraxmaan Ugaas Muxumed iyo dad ay
qaraabo yihiin oo lag xidhey Magaalada Godey |
July 21,
2008 Wararka naga soo gaadhaya magaalo
madaxda dalka Ogaadenya ee Godey ayaa
sheegaya in dad badan oo aynan tiradoodu
sugnayn lagu xidh-xidhay magaalada Godey
dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay.
Xadhiggan ayaa sida la sheegayo wuxuu ka
dambeeyey ka dib markii ay ciidamada
militarigu xidheen Ugaas Abdiraxmaan Ugaas
Muxumed Qani maalintii Isniinta July
14keedii 2008.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in
Ugaas Abdiraxmaan uu dalka Itoobiya dibadda
uga maqnaa muddo sanad iyo xoogaa ah arrimo
shakhsiyadeed darteed lamana oga waxyaabaha
sababay xadhigiisa. Hase yeeshee, Ninka
dawladda Itoobiya wakiilka uga ah dalka
Ogaadenya ee lagu magacaabo Abdullahi Xasan
ayaa cidaacadda BBC-da ka sheegay in Ugaasku
uu ku lug leeyahay ururada Nabad diidka ah.
Labo maalmood ka dib xadhigga Ugaaska, waxaa
iyagana la xidhay :
1- Diiriye Layli Siigaale
2- Maxamed Diiriye Layli Siigaale
3- Abdiaziiz Maxamed Layli Siigaale
4- Ina Yoonis Mashkooke siigaale iyo
hooyadii
5- Gabadh uu dhalay Dulguf Mashkooke
Siigaale
6- iyo dad kale oo aynan noo suurtoobin
inaan hello magacyadooda oo intuba ka tirsan
ehelka Ugaaska.
Dadwayne isugu soo baxay magaalada suuqeeda
oo rabay inay wax ka ogaadaan arrimaha
xadhigga Ugaaska ayay ciidamada militariga
rasaas ku fureen, qaarra ay qoriga dabadiisa
ku garaaceen. Warar xog-ogaal ah ayaa
sheegaya in carruur da'doodu dhan tahay 8
jir ay ku jireen dadka ay askartu qoriga
dabadiisa ku garaaceen.
Ilo xog-ogaal ah oo aan la xidhiidhnay ayaa
noo xaqiijiyey in Ugaaska lagu hayo xerada
militariga ee loo yaqaanno Birikaydh.
Ayaamahan dambe ayaa waxaa sii kordhay
ugaadhsiga ay dawladda Itoobiya ku hayso
oday dhaqameedyada iyo waxgaradka Ogaadenya.
--Ogaden Online New |
|
|
|
|