Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Ugaas Abdiraxmaan Ugaas Muxumed oo la geeyey Xabsi ku yaala Magaalada Jigjiga
July 23, 2008 Warar cusub oo naga soo gaadhay magaalada Jigjiga ayaa noo xaqiijiyey in Ugaas Abdiraxmaan la keenay magaalada Jigjiga laguna hayo xabsi ku yaalla magaalada Jig-Jiga halkaas oo uu hore ugu sii xidhnaa Abdicasiis Maxamed Layli oo ahaa madaxa Mashruuca Beeraha ee Godey. Dad aqon u leh  siyaasada Itoobiya oo ku sugan magaalada Jigjiga ayaa ku fasiray keenista Ugaaska magaalada jigjiga labo arrimood;
  1. Cabsi soo wajahday dawladda Itoobiya ka dib markii dadwaynihii Godey ay aad uga gadoodeen xadhigga Ugaaska.
  2. Qorsho ay dawladda Itoobiya rabto inay isaga hor keento shacbiga ree Ogaadenya iyadoo la soo wariyey in dawladda Dhexe ay sheegtay inaynan wax lug ah ku lahayn xadhigga Ugaaska.

Sida la wada og yahay maamulka Kililka Jig-jiga ayaa isagu lahayn awood wax fulineed marka laga reebo in loo adeegsado waxyeelada dadwaynaha.


--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.