|
Bisha
febraayo waxay kulmisaa maalmo
xusuus iyo qadarin ka mudan shacbiga
Soomalida Ogaadenya. Bishan
gudaheeda waxaa dhacay dhacdooyin
waawayn oo taariikhda dalka
Ogaadenya baal muhiim ah ka galay.
Maalmahaas qaar waxay leeyihiin
murugo, qaara farxad, qaara labadaba
way isku darsadeen.
Qormadan waxaan si kooban ugu soo
qaadanaynaa qaar ka mid ah
maalmahaas.
01 Febraayo, 1994
waxay ciidamada dawlada Itoobiya si
waxashnimo ah ugu dileen magaalada
Qalaafe Duulane Xasan Gaabane
oo ahaa gudoomiyihii dagmada Qalaafe
iyo Laba ruux oo shacb ah lana kala
odhan jiray Cabdi Cali Aadan iyo
Diiriye Dhaqane
06 Febraayo,
1994
waxay
sidoo kale Ciidamada Itoobiya
magaalada Wardheer ku dileen
gudoomiye ku xigeenkii magaalada
Wardheer Marxuum Cabdulaahi
Ibraahim Yuusuf (Abdullahi Ganay).
Mudane Abdullahi ganey wuxuu
horistaagay qorshayaal ay dawladda
Itoobiya ku doonaysay inay ku
khayaamayso shacbiga. Mid ka mid ah
qorshayaashaas wuxuu ahaa shir ay
dawladdu doonaysay inay isugu yeedho
odayaasha iyo cuqaasha dadwaynaha
laguna qasbo inay taageraan mawqifka
dawladda ah in shacbigu ku sii hoos
jiro dawladda Itoobiya.
07 Febraayo,
1994
waxay Odoyaasha
iyo Ugaasyaduba u gudbiyeen Meles
Zenawi isagoo kula shiraya Goday in
Afti laga qaado dadkooda.
12
Febraayo, 1994
waxay ciidamada dawladda
Itoobiya si waxshinimo ah magaalada
Qabridaharre ugu dileen
guddoomiyihii iyo k/xigeenkii,
Nafti-hure Maxamed Cumar Tube iyo
Nafti-hure Deeq Maxamud Carab.
Waxaa dilka labada mas’uul ka sii
fool xumaa silcintii maydkooda oo ay
ciidamadu ehelkii iyo dadwaynihii
kalaba u diideen inay xabaalaan.
Arrintan waxay noqotay wax ku cusub
taariikhda, kana soo horjeedda
xeerarka caalamiga ah iyo garashada
caqliga fayow.
15 Febraayo,
1994, waxaa la qabtay
kalfadhigii baarlamaanka dalka
Ogaadenya. Baarlamaanku waxay ka
doodeen mustaqbalka siyaasadeed ee
dalka Ogaadenya, waxayna aqlabiyad
badan ku go’aamiyeen in dadwaynaha
Soomalida Ogaadenya laga qaado afti
lagu waydiinayo waxa ay aayahooda ka
damacsan yihiin. Go’aanka
baarlamaanku wuxuu lahaa muhimad iyo
tixgalin gooni ah maadaamada uu
baarlamaanku ahaa kii ugu horreeyey
taariikhda Ogaadenya ee shacbigu si
dimoqraadi ah u soo doorteen,
kalsoonina ka haystay dadwaynaha.
Sidoo kale, go’aanku wuxuu
waafaqsanaa dastuurkii ku meel
gaadhka ahaa ee Itoobiya oo
sheegayey in ummad walba ay dooran
karto aayahooda marka ay dhamaato
waqtiga ku meel gaadhka ah ee
dawladdii Itoobiya. Maalintii
go’aankan la qaatay waxaa loo
aqoonsaday inay noqoto “Maalinta
aayo-ka-talinta” ee dalka Ogaadenya.
17 Febraayo,
1994
waxay Cuqaasha
Ogaadeenya Zenawi hortiisa ka
taageereen go'aankii Barlamanbka.
isagoo shir Albaabada loo xidhay
kula jira magaalada Harar
Isla
Badhtamihii Febraayo, 1994,
ururkii ONLF, Golihiisii dhexe ayaa
go’aan aqlabiyad buuxda ah ku
taageeray go’aankii Baarlamaanka,
kuna baaqay in si nabadgalyo ah oo
waafaqsan datuurkii ku meel gaadhka
ahaa ee Itoobiya lagu dhameeyo
dhibaatada u dhaxaysa Itoobiya iyo
Ogaadenya.
Febraayo 22, 1994,
waxaa magaalada Wardheer laga
qabanqaabiyey bannaanbax lagu
taageerayo go’aankii baarlamaanka
iyo kii ka dambeeyey ee JWXO ee lagu
codasaday in dadwaynaha afti la
waydiiyo. Sidoo kale, waxaa
xilligaas ku sugnaa magaalada
Wardheer Guddoomiyihii JWXO mudane
Ibraahim Abdalla oo isna hadal ka
jeedin lahaa bannaanbaxa.
Ciidamada Itoobiya waxaa amar lagu
siiyey inay joojiyaan bannaanbaxa
isla markaana soo qabtaan
Madaxwaynaha JWXO geeri ama nololba.
Ciidamada Itoobiya oo ku hubaysan
hub culus ayaa soo weeraray wafdigii
JWXO oo uu ku jiro Guddoomiyihii.
waxayna shacbigii ree Wardheer waxay
maalintaas si geesinimo iyo
wadaninimo ah u difaaceen magacii
umadda iyaga oo qab jabiyey
ciidamadii xoogga badnaa ee Itoobiya
kana horistaagay inay gacanta ku
dhigaan Madaxwaynihii JWXO iyo inay
joojiyaan bannaanbixii. Ciidmaada
Itoobiya oo adeegsanaya hubka
cul-culus, waxay xasuuq u gaysteen
dadwaynihii iyagoo si aan aabo-yeel
lahayn u gumaaday shacbigii
magaalada. Waxaa maalintaas goobtaas
ku geeriyooday 85 ruux oo u badan
dad rayid ah.
Dhacdooyinkaas waxay leeyihiin
xusuus farxadeed iyo murugo labadaba.
Waa marka hore, waxay huwan yihiin
murugo, marka laga eego xasuuqii loo
gaystay dadwaynaha ree Wardheer iyo
madaxdii lagu laayey Qabridaharre
iyo waliba burburkii dhismayaashii
magaalada. Dhinaca kalana waxay
mudan yihiin xusuus huwan farxad iyo
faan, marka laga eego sida
dadwaynuhu ugu istaageen xaqooda, u
qab jabiyeen ciidamdii xoogga badnaa
ee Itoobiya, u difaaceen madaxdii
iyo magacii umadda. Waxay noqotay
arrin lagu faani karo, taariikhdana
gashay sidii dadwaynaha ree Wardheer
oo aan haysan hun u dhigma kuwii ay
wateen ciidamada itoobiya ay u
difaaceen magaalada iyo madaxdii
shacbiga. Inkastoo dad rayid ah oo
aan waxba galabsan ay ku dhinteen
halkaas, ayna mudan yihiin in loo
murugoodo, haddana, waxaa dhinca
kale, garab taagan, geesinimada iyo
sharaftii lagu qab jabiyey ciidmada
kibirku waday ee Itoobiya.
Bisha
Febraayo taariikhaas ayay kulmisaa,
waxayna shacbiga ree Ogaadenya ku
xusaan bishaan hab murugo iyo farxad
labadaba leh, waxayna u taagan tahay
xasuuq iyo xad gudubka loo gaysto
dadwaynaha, dhinaca kalana waxay u
taagan tahay halganka xaq u dirika
ah ee dadwaynaha Ogaadenya.
Ogaden Online
staff@ogaden.com |