Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Faarax Macallin guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya

 

Faarax Macallin waxaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka
Keneth Marende Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Kenya ayaa ku dhawaaqay in Faarax Macallin oo ka tirsan xisbiga mucaaradka loo doortay guddoomiye ku xigeen baarlamaanka Kenya.

 

Faarax Macallin ayaa wareysi dheer oo uu siiyay BBC waxa uu kaga waramaya arrimo badan oo ay ku jirto xaaladda Somalia.

Faarax Macallin ayaa waxa uu noqonayaa ninkii ugu horeeyay ee Somalida Kenya ee qabta jagadaasi, isagoo ninkii la tartamayay Gitobu Imanyara ee dhinaca dowladda ka socday uu iska tanaasulay wareeggii labaad, kadib markii wareeggii koowaad uu Faarax Macallin ka helay 110 cod, halka Gitobu Imanyara uu helay 94 cod.

Madaxweyne Mwai Kibaki iyo Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ma aysan kulmin tan iyo markii ay doorashooyinku dhaceen.

Waxaa laga cabsi qabay in iska hor imaad uu dhexmaro labada dhinac ee mucaaradka iyo dowladda, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada caasimada ah ee Nairobi, waxaana ciidamo badan lagu wareejiyay dhismaha baarlamaanka, waddooyin badana waa la xiray.

kenya
Qaabka ay xisbiyadu u kala heystaan kuraasta baarlamaanka

Mucaaradku waxa ay sheegeen in xisbiga Kibaki ay ku shubteen doorashada, waxaana ay billaabeen inay fariistaan dhinaca Mudanayaasha dowladda.

In ka badan 600 qof ayaa ku dhintay rabshadihii ka dhacay Kenya, ee ay sababtay natiijadii doorashadii dhacday 27 December ee sanadkii hore, iyadoo 250,000 oo qofna ay ku barakaceen waddanka Kenya oo ahaan jiray halka ugu nabdoon Barriga Africa.

Xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa waxa ay qorsheynayaan saddex maalmood oo soo socota inay dhigaan banaanbaxyo waaweyn oo waddanka oo dhan ah, kuwaasi oo bilaaban doonaa maalinta Arbacada.


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.