Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Feb 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Wararka Jaaliyada Ogadeniya ee Melbourne, Australia oo xaflad u sameysay Abwaan Jaango

Jaaliyada Ogadeniya ee Melbourne, Australia oo xaflad u sameysay Abwaan Jaango

E-mail Print PDF
Jaaliyada Ogadeniya ee Melbourne, Australia  ayaa ayaa bishan May 16, 2009  Hotel  Safari  ee magaalada Melbourne  xafalad sagootin iyo qado sharaf ah ugu sameysay Abwaan Maxamed Cumar Cabdi (Jaango).

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Unugta JWXO ee Melbourne, waxaana ka soo qayb galay qaybaha bulshada Ogadniya oo ay horkacayaan Odey dhaqameedyada, culumaa u diinka, iyo aqoonyahano. Ka soo qaybgakayaasha kulankan ayaa aad u xiiseynayey in ay la kulmaan Mudane Jaango oo beryahan safar xaga fanka ah ku marayey Wadamada Australia iyo Zew Zealand.

Munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha  Odayaasha Absame Engineer Fowzi,  waxuuna aad iyo aad igu amanay sida mudane Jaango mar kasta ugu tagan yahay qadiyadiisa, taas oo shacabka Ogadenia meel kasta ay joogan ku jaceleysteen, sida uu ugu istaagey qadiyada  Mudane Fowsi waxuu intas raaciyey in Odayasha Absame ee jooga London fariin ka gaadhsiiyo, fariinaas oo ah in ay hurdada ka kacaan oo ay mideeyaan Odayaash Absame ee London, isla markaana  ka shaqeeyaan sidii loo sameyn lahaa Urur Odayaasha Absame .

Sidoo kale waxaa isna goobtaas ka hadlay mudane Abdi Macalin oo ka war bixiyey Odayaash Absame ee Australia sida ay iskugu duuban yahiin, kuwaas oo ah  far kali ah oo manta hor seeday in Jaaliyada Australia noqoto Jaaliyad isku duuban.  Mudane Cabdi Macalin oo hadalkiisii sii wado waxuu ku yiri jaango ishaadaa ku macalin intii aad joogtay Australi. Mudane Cabdi wuxuu  hadalkiisii ku soo gab gabeyey in Odayasha Absame ee London dagan wax iska badalaan, kuna dadaalaan isku duubnida umada

Mudane Hassan Shuriye oo ka mid ahaa ka soo qaybagalayaasha xafaladan ayaa isna  hadalkiisa ku bilaabay hambalyo u hamblayenayey halgame Jaango sida hadh iyo habeen uu ugu taagan yahay qadiyada Ogadeniya,  waxuuna kula taliyey   inuu sii labo labo halganka Ogadenia.

Ugu dambeyntiina Mudane Jaango oo goobta hadalo kooban ka jeediyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida  wadanka Australia iyo New Zealand loogu soo dhaweeyey. Mida kaliya ee uu ku muteysteyna ay tahay kaalinta uu kaga jiro halganka shacabka Ogadeniya ugu jiro aayo katashigiisa. aas oo ah mid ina wada faran, ayuu yiri Mudane Jaango. Wuxuuna intaas ku darey in qof kasta doorka kaga aadan uu qabto

Jaango wuxuu kula dardaarmey ka soo qaybgalayaashii xafladaas in si deg-deg ah loo dhiso Urur dhalinyaro, waayo isaga ayaa ka boodi kara darbi kasta oo cadowgu dhiso, isla markaana waxay kaalin libaax ka qaadan karaan isku duubnida shacabka. ama bur burin karto sidas darteyd waa in la dhisaa ururkii dhalinyarada ogadenia, in hortiisa ay ka muuqdaan maanta bulsho mideysan  una jeestay hal meel iyo inay ka shaqeeyaan danaha dalka, dadka,diinta iyo halganka ogadenia muqadiska ah waxuuna ku soo gunaanaday gabay u diray dhalinyarada ogadenia iyo aqoonyahanka.

Gebogabdii xaflada ayaa waxaa hadalka la wareegey Gudoomiyaha Jaaliyda Ogadeniya ee Melbourne, Mudane Hikaam Sheekh Cabdulahi, wuxuuna gudoomiyuhu hadaliisa ku bilaabey in aysan xorimadu iska iman ee ay ku timaado naf iyo maal la huro, waxaana loo bahaan yahay ayuu yiri Mudane Hikaam in la baahanyahay sidii qadiayada Ogadeniya caalamka loogu bandhigi lahaa oo aan ku dagaalano qalinka.


Ogaden Online
Comments (4)Add Comment
0
ogadeniya must be free
written by ahmed hassan, June 08, 2009
asalamu calaykum all somali brothers & sisters,mothers & fathers.i beleave ogadeniya will get freedom one day inshaalah so let we keep hop & help our people for all that we can & inshaalah Allah will help us.
0
...
written by mukhtaar xasan bulxan, September 16, 2009
asc salana kabacdi walalayal dh aman waxan ugubaaqaya dhalin yarada reer oagadenia inaya isku xidhnaadanwaxana u sheegaya gacantii mid ahba wax gaysa hadan kalaqaybsano waxmaqaban karo waa ianad taa ogaataan mara walba waxan idiin haya warar badan oo ku saab san dhibaatoo yin ka kajira gudaha ogadenia waxana wanaag san ninwalba waxuu soo helo inaan isu soo oagaysii no
0
...
written by mukhtaar xasan bulxan, September 17, 2009
asc salan kabacdi walalayal dha maan umada reer ogadenia waxaan urajaen ianay ku ciidaan caafimaad iyo bashbash iyo barwaaqo ilayhayna waxaan uga barayaya ciidan ciideede inuu kugaadh siiyo caafimaad iyo gobanimo waarta waxaana waxana halkan kasalaamaya dhmaan madaxda iyo maamulka jwxo iyo gaar ahaan ciidanka qalabka sida waxaana idin leehay walalayaal ilaah haydin guuleeyee halka kasii wada weeraraka aad kuhaysaan wayaanaha ilahayna waxan kabaryaya inuu idin guuleeyo waxaakaloon halkan ugamahad naqayaa maamulka ogaden onlne oofursad noosiiyay inaanu rayi kusoodarsano hadaaan nahay dhalinta reer ogadeniya waxaan idinkudhaafaya cafimaad iyo inagoo xorownay
0
longchamp le pliage
written by longchamp le pliage, November 24, 2011
Couldn't be written any better. Reading this post reminds me of my old room mate! He always kept talking about this. I will forward this article to him. Pretty sure he will have a good read. Thanks for sharing!


Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Sunday, 17 May 2009 18:56 )  
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 71 guests online