Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Friday
Feb 10th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Wararka Dhalinyarada Ogadenya ee magaalada Perth ee wadanka Australia oo kulan isugu yimid.

Dhalinyarada Ogadenya ee magaalada Perth ee wadanka Australia oo kulan isugu yimid.

E-mail Print PDF
Dhalinyarada Ogaadeenya ee ku nool Perth Galbeedka Australia oo kulan isugu yimid ay kaga xaajoonayaan dhibaatada ka taagan dalkooda Hooyo (Ogaadeenya)

Waxaa maalmahan ka socday kulamo ay isugu imanayeen dhalinyarada u dhalatay Ogaadeenya ee ku nool waddanka Australia kulamo badan kuwaas oo ay ka dhiidhiyayaan dhibaatada uu gumaysiga Itoobiya ku hayo dadkooda.

Shirkan maanta ay isugu yimaadeen dhalinta Ogaadeenya ee ku dhaqan magaalada Perth ayaa ah shir maalmahanba la hadal hayay oo dhalinta Ogaadeenya abaabulkeeda wadeen, waxaa shirka lagu furay aayado Qur'aan ah waxaana markiiba lagudo galay ajandaha shirka, waxaana si weyn loo falan qeeyay logana dooday in ay dhalinta Ogaadeenya ee waddanka Australia ku nool wax weyn ka qaban karto dhibaatada haysata dalkodii hooyo ee uu gumaysigu baday, si waafi ah ayaa qof-walba fikirkiisa u dhibtay ugana dooday.

Dhalintii kulanka isugu timid waxay isku afgarteen in ay dadaal badan bilaabaan sameeyaana Urur dhalinyayo oo marka hore laga askumo magaalada Perth kadibna lagu baahiyo dhamaan gobalada uu ka koooban yahay waddanka Australia, lana joogteeyo kulamadan oo kale maxaa yeelay arinta sugaysa dhalinta Ogaadeenya waa mid aad u balaadhan waxaana waajib ku ah qof walba oo damiir leh in uu garab istaago xaqlayaasha habeen & maalinba aan ka daalin sidii ay u dhicin lahaayeen xaqooda ugana hosbixi lahaayeen gumaysiga Itoobiya.

Waxay dhalintu ka doodeen in ay mihiim tahay barashada dalkooda Hooyo oo aynan aqoon badan u lahayn una badan yihiin dhalin ku kortay waddanka Australia waxay qarkood shegeen in ay si aad ah ugu baahan yihiiin barashada dalkooda hooyo.
Waxay dhalintu tusaale u soo qaadatay Ururka ONLF oo maanta aduunka oo dhan ku fiday gudaha Ogaadeenyana ka wada dagaal aad u kulul oo ay kula jiraan gumaysiga Itoobya waxa aas-aasay 6 nin markii ay aas-aasayeen go'aan ayay qateen ah in ay umadooda ka saaraan duliga uu gumaysigu baday, waxaadna maanta arkaysaan meesha uu marayo halganka ay 6 nin sameeyeen meelkasto in uu gaadhay.

Dhalinta Ogaadeenya ee waddanka Australia waxay ku taamayaan in ay dhisaan urur todobaadyadan soo socda Urur dhalinyaro waana mida ay maanta ku heshiyeen dhalintii kulanka isugu timid waxayna isku dhaarsadeen in ay iyagu maanta walaalo yihiin iskana xigaan kuwa kale kuna midoobayaan mabda ay maanta isugu yimaadeen oo ah in ay fadhiga ka kacaan oo ay umadooda meel walba ku dhibaataysan garab siiyaan midwalban aqoontiisa u faa'iideeyo umadiisa.

Isku soo wada dubaa waxaa waddanka ka socdo guux aad u xoog badan oo ah kacdoon dhalinyaro taas oo aad meelwalba ka arkayso sida ay u jecel yihiin in ay mar arkaan Ogaadeenya oo xor ah taas oo kaliftay in ay garan waayaan meel ay fasax ku tagaan mar hadii uu waddankodii gumaysi ka jiro waana mida keentay in ay dhalintu fadhiga ka kacaan oo ay u talaabsadaan wax qabad rasimi ah.


Qorahay Online
Comments (1)Add Comment
0
Hi, I want to know what is the ogadenia. what happens in ogadenia
written by abdirahman, June 07, 2009
I was born in silanin in Somalia then my mother told me ogadenia. we are fighting. Because they are killed brothers and brothers. can you tell me what happen there. that is true and false. Please answers the questions. Thank you.

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Saturday, 16 May 2009 04:36 )  
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 81 guests online