Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Monday
Dec 22nd
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Wararka Jaaliyadaha

Cambaareyn: Maamul ku sheega Puntland

Ururka Aqoonyahan Ogaadeeniya  (Ogaden intellectuals forum) waxuu si adag u cambaarayn hayaa, kana xun yahay falalka fooshaxun ee dhaqanxumada, akhlaaq la’aanta, iyo Bina’aadamnimo darrida  ah  ee Maamulka isku magacaaba Puntland ku ugaadhsanhayo dadka udhashay beesha Absame.

Siday xaqiijiyeen Hay’ada maaraynta xuquuqda somalida (Somalian rights monitor) 28th October, 2009, iyo dad shacab ah  oo ku sugan W/bari, in maamul isku sheega Puntland si  waxshi-nimo aha  u afduubeen dhalinyaro kasoojeeda beesha Absame. Dhalintaa waxaa loo gaystay jidhdil ba’an intii ay kujireen xabsiyada w/bari,  kadibna wuxuu maamul isku sheega W/bari u gacan galiyey Ethiopia.
Magacyada dhalintii  w/bari (isku magacaaba Puntland) u gacan galiyey Ethiopia :
  1. Faseex Cataab Cali
  2. Maxamed Xasan Muuse
  3. Maxamed Sheikh Batri
  4. C/laahi Xasan Cali
  5. Cabdi Maxamed Xasan (Cabdi Teerso)
Dhamaan dhalinyaradaas waxaa lagu wareejiyay gacanta ciidamada sirdoonka itoobiya. Waxaa ka horeeyey labadii wiil ee suuqa Gaalkacyo badhtankiisa lagu ugaadhsaday ee midna meyd ahaan isagoo gawracan looga tagey midkii kalena aan laheynin raq iyo ruuxiis. Waxaa ka horeeyey dhacdadii Wiilki suuqa Boosaaso lagu toogtay, ka dibna dad boqol kor u dhaafaya oo qoxooti ah loo xidhxidhay si arinta loo majare Habaabiyo, dadkaas oo dumar uurle  ka mid ahaayeen.

Wiilashaas ayaa ahaa shacab, kana soo noqday qoxootiga soomaaliyeed ee ku nool dalka Yeman, wax danbi ahna  cidna  kagalin oon ahayn inay kasoojeedaan beesha Absame.

Waxaana sidaas cadaynhaya in Faroole khudbadii uu jeediyay maalinkii wiilasha laqabtay ee uu ku sheegay in aan “dadka Ogaadeenya iyo north eastern Kenya (NFD)  udhashay lagu sheegi karin in ay yihiin muwaadiniin Soomaali ah????.”
Waxaa lawada ogsoonyahay in beesha uu kadhashay Faroole madaxdana uu kayahay badhkeed ay kamid yihiin shacabka soomaalida ogaadeeniya, walina madhicin in laxidho ama loodhiibo itoobiya dad kamid ah beeshiisa ee kasoo jeeda ogaadeeniya! Sidaas darted waxaa cad in la ugaadhsanhayo beesha Absame oo kaliya!

Waxaa wax Islam-nimada iyo Somalinimada iyo darisnimada intaba ka baxsan ah in qof aad sheegeyso inaad wada dhalateen haddana cadowgii uu ka soo cararey aad dib ugu gacan galiso oo ah arrimaha uu maamul ku sheega W/bari maalmahan dhaqanka ka dhigtey taasoo ka soo horjeeda qawaaniinta xuquqal insaanka.

Sidaasdarteed waxaan usoo jeedinaynaa bulshada Absamee ee ku nool W/bari:
  1. Inaydaan ku hongoobin meel anan  Islam-nimada iyo Somalinimada iyo darisnimada intaba la idinku dhowraynin.
  2. Inaad W/bari (isku magacaaba Puntland) naftoodiina iyo maal kiinaba kala carataan oo meel aad ku badbaadi kartaan naf iyo maal ba u guurtaan.
  3. Inaad iska warhaysaan gu’aan midaysan qaadataan
Waxaan usoo jeedinaynaa dadwayna beesha Absamee meelkasta oo joogaan:
  1. In iska kaashadaan ka hortaga cadowga boob ka ah ee maamul isku sheega W/bari hormoodka ka yahay, si adagna jawaab munaasab ah loo siiyo .
  2. In laga wada qayb qaato sidii  dib u dajin meel amaan ah loogu samayn lahaa  dadkaa W/bari lagu gumaadayo
  3. In la dheerigaliyo midnimada iyo wax wada qabsiga beesha Absame
Waxaan usoo jeedinaynaa waqooyi bari(isku magacaaba Puntland):
  1. Waxaan Cambaareynaynaa falkan foosha xun ee maamul isku sheega w/bari kulakacahayo dadkan  rayadka  ee aan waxba galabsan.
  2. Waxaan Ugubaaqaynaa inay si degdeg ah u joojiyaan DILKA, XADHIGA, KA GANACSIGA  baahsan ay kula kacayaan Beesha Absame,  ilaaliyaana maslaxada labad shacab.
  3. Waxaan shacabka, Salaadiin, culamada, aqoonyahanka reer Puntland ugu baaqaynaa in ay tusiyaan ficil dhab ah oo kaga hortagayaan dhibaatda uu maamul isku sheegoodu ku dhaqaaqay, taas oo keeni karta cawaaqib xumo iyo taariikh xumo, hadii ay ku daawadaana waxay macnaheedu tahay in raali ka yihiin xumaanta maamulkoodu bilaabay.

Ogaden Intellectuals Forum (OIF)
Website: www.ogadenif.org
Email: ogaden.forum@gmail.com

 

Baaq ku wajahan Maamulka Puntland

Last Updated ( Saturday, 31 October 2009 14:06 )

Jaaliyada Ogadeniya ee Melbourne, Australia oo xaflad u sameysay Abwaan Jaango

Jaaliyada Ogadeniya ee Melbourne, Australia oo xaflad u sameysay Abwaan JaangoJaaliyada Ogadeniya ee Melbourne, Australia  ayaa ayaa bishan May 16, 2009  Hotel  Safari  ee magaal...

Last Updated ( Sunday, 17 May 2009 18:56 )

Read more...

Dhalinyarada Ogadenya ee magaalada Perth ee wadanka Australia oo kulan isugu yimid.

Dhalinyarada Ogaadeenya ee ku nool Perth Galbeedka Australia oo kulan isugu yimid ay kaga xaajoonaya...

Last Updated ( Saturday, 16 May 2009 04:36 )

Read more...

Spotlight

 

Walking From The Ogaden In Ethiopia: Seeking Peace In Dadaab

he “firstly travelled by camel – given to me by my brother, to Danod in Wardheer. This...

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 81 guests online