Siday xaqiijiyeen Hay’ada maaraynta xuquuqda somalida (Somalian rights monitor) 28th October, 2009, iyo dad shacab ah oo ku sugan W/bari, in maamul isku sheega Puntland si waxshi-nimo aha u afduubeen dhalinyaro kasoojeeda beesha Absame. Dhalintaa waxaa loo gaystay jidhdil ba’an intii ay kujireen xabsiyada w/bari, kadibna wuxuu maamul isku sheega W/bari u gacan galiyey Ethiopia.
Magacyada dhalintii w/bari (isku magacaaba Puntland) u gacan galiyey Ethiopia :
- Faseex Cataab Cali
- Maxamed Xasan Muuse
- Maxamed Sheikh Batri
- C/laahi Xasan Cali
- Cabdi Maxamed Xasan (Cabdi Teerso)
Wiilashaas ayaa ahaa shacab, kana soo noqday qoxootiga soomaaliyeed ee ku nool dalka Yeman, wax danbi ahna cidna kagalin oon ahayn inay kasoojeedaan beesha Absame.
Waxaana sidaas cadaynhaya in Faroole khudbadii uu jeediyay maalinkii wiilasha laqabtay ee uu ku sheegay in aan “dadka Ogaadeenya iyo north eastern Kenya (NFD) udhashay lagu sheegi karin in ay yihiin muwaadiniin Soomaali ah????.”
Waxaa lawada ogsoonyahay in beesha uu kadhashay Faroole madaxdana uu kayahay badhkeed ay kamid yihiin shacabka soomaalida ogaadeeniya, walina madhicin in laxidho ama loodhiibo itoobiya dad kamid ah beeshiisa ee kasoo jeeda ogaadeeniya! Sidaas darted waxaa cad in la ugaadhsanhayo beesha Absame oo kaliya!
Waxaa wax Islam-nimada iyo Somalinimada iyo darisnimada intaba ka baxsan ah in qof aad sheegeyso inaad wada dhalateen haddana cadowgii uu ka soo cararey aad dib ugu gacan galiso oo ah arrimaha uu maamul ku sheega W/bari maalmahan dhaqanka ka dhigtey taasoo ka soo horjeeda qawaaniinta xuquqal insaanka.
Sidaasdarteed waxaan usoo jeedinaynaa bulshada Absamee ee ku nool W/bari:
- Inaydaan ku hongoobin meel anan Islam-nimada iyo Somalinimada iyo darisnimada intaba la idinku dhowraynin.
- Inaad W/bari (isku magacaaba Puntland) naftoodiina iyo maal kiinaba kala carataan oo meel aad ku badbaadi kartaan naf iyo maal ba u guurtaan.
- Inaad iska warhaysaan gu’aan midaysan qaadataan
- In iska kaashadaan ka hortaga cadowga boob ka ah ee maamul isku sheega W/bari hormoodka ka yahay, si adagna jawaab munaasab ah loo siiyo .
- In laga wada qayb qaato sidii dib u dajin meel amaan ah loogu samayn lahaa dadkaa W/bari lagu gumaadayo
- In la dheerigaliyo midnimada iyo wax wada qabsiga beesha Absame
- Waxaan Cambaareynaynaa falkan foosha xun ee maamul isku sheega w/bari kulakacahayo dadkan rayadka ee aan waxba galabsan.
- Waxaan Ugubaaqaynaa inay si degdeg ah u joojiyaan DILKA, XADHIGA, KA GANACSIGA baahsan ay kula kacayaan Beesha Absame, ilaaliyaana maslaxada labad shacab.
- Waxaan shacabka, Salaadiin, culamada, aqoonyahanka reer Puntland ugu baaqaynaa in ay tusiyaan ficil dhab ah oo kaga hortagayaan dhibaatda uu maamul isku sheegoodu ku dhaqaaqay, taas oo keeni karta cawaaqib xumo iyo taariikh xumo, hadii ay ku daawadaana waxay macnaheedu tahay in raali ka yihiin xumaanta maamulkoodu bilaabay.
Ogaden Intellectuals Forum (OIF)
Website: www.ogadenif.org
Email: ogaden.forum@gmail.com




Jaaliyada Ogadeniya ee Melbourne, Australia ayaa ayaa bishan May 16, 2009 Hotel Safari ee magaal...


