Waxaan aragnaa in gumaysiga oo isticmaaalaya nidaamkiisa qaybi oo xukun kuna gabaynaya riwaayad ay ugu magacdereen heshiis ay lagaleen shaqsiyaad iyo ururo aan matalin umada oo danaystayaal ah inuu ku abuuro jaaliydaha dashwiish.
Wuxuu gumaysigu arintaa u soo xilsaaray danbiilayaal ka qaybqaatay xasuuqii shacabka illaa hadana faraha kula jira dhibaataynta shacabka iyo damiirlaawayaal sheeganaya inay heshiis lagaleen Ethiopia, iyadoo dhinaca kalena kawada xasuuqii, boobkii hantida, xadhigii, dilalkii badheedhka ahaa iyo cunaqabatayntii (go’doomintii) shacabka aan waxba galabsan ee Ogaadenya.
Hadii waxa ay sheeganayaan runyahay may halmaalin hakiyaan dhibaatada ay ku hayaan dadka riyidka ah.!
Waxaan u sheegaynaaa danbiilyaasha iyo damiirlaawayaasha u adeegaya gumaysiga ee ku wareegaya jaaliyadaha inay fashilintahay siyaasada gumaysiga ee lagu xaqirayo shacabka Ogaadenya, laguna kaleqoqobayo dadweynaha.
Waxaana daliil u ah siyaasada kala qaybinta ku dhisan ee Ethiopia hadalkii ka sooyee dhay kaligii taliye Melez Zenawi ee lagu kala qaadqaadayey shacabka halgamaya ee Ogadenya.
Shacabka Ogadeenya wax kayar inay Aayohooda katashadaan oo u cuntammaa majirto, waxaan sibuuxda u garabtaaganahay halganka ay JWXO hurmuudka ka tahay ee lagu baadigoobayo sharaftii iyo kaaramadii umada dulmigu daashaday ee Ogaadenya.
Magacyada Odayaasha bayaanka soo saaray
1. Maxamed warfaa
2. Cumar hudle xassan
3. Sh. Axmed Sugule
4. Xassan Daahir
5. Dhiirane Gaal Eri
6. Axmed Qaloonbi
7.Axmed Sulub
8. Maxamed Yuusuf Ducaale
9. Ismaaciil Cabdiqaadir
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








