Anagoo ku hadlayna magaca Odayaasha dhaqanka ee Jaaliyada Ogaadeenya ee Seattle waxaan halkan baaq uga jeedinaynaa dhamaan jaaliyaha Ogaadenya ee qurbaha gaar ahaan Waqooyi Amerika. Anagoo uga digayna dibindaabyada iyo shirqoolada cadawgu maleegayo ee larabo in lagu maririn habaabiyo umada dulman ee halganka ugu jirta siday Aayaaheeda uga tashan lahayd.
Waxaan aragnaa in gumaysiga oo isticmaaalaya nidaamkiisa qaybi oo xukun kuna gabaynaya riwaayad ay ugu magacdereen heshiis ay lagaleen shaqsiyaad iyo ururo aan matalin umada oo danaystayaal ah inuu ku abuuro jaaliydaha dashwiish.




