Waxaa si guul ah ku soo gaba gaboobay shir waynihii sanadlaha ahaa ee jaaliyada Ogadeniya ee k/afrika. Shirkan oo saan saankiisa laga dareemayay guud ahaanba wadanka k/afrika, Xubnaha jaaliyada ayaa si xoogan ugu soo qul qulayay gobolka Eastern cape gaar ahaan magaalada Uitenhage ee xarunta u ah jaaliyadda.Shirka ayaa bilawday maalintii 15/03/2010 abaarihii 11 ka subaxnimo shirka ayaa ku bilawday xasilooni iyo daganaan isla mar ahaan taana waxaa hoolka buuxiyay xubno aad ubadan halkaas oo shirki lagu furay wacdi diini ah oo ka hadlaya alle kacabsiga iyo kudhaqanka shareecada islamka oo uu soo jeediyay hogaankii dacwada ee jaaliyadda mudane Sheikh Cabdala Sheekh halkaas oo si talan taali ah maamulka jaaliyada iyo ergooyinkii goboladu ay warbixin sanadeedkii kusoo bandhigeen taas oo ay xubnuhu ka maqsuugeen horukaca iyo dar dar galinta hawlaha halganka ee k/Afrika Waxaa shirka qayb wayn ka ahaa war bixin waafi ah oo uu khadka taleefonka kusiiyay shirka Hogaanka Arimaha Gudaha & Amniga ee JWXO Halgame Cabdi C/laahi isagoo kusugan xarunta dhexe ee JWXO, taas oo uu kaga haqabtiray kazoo qaybgalayaashii shirka xaalada halgan,bulsho iyo xaalada dhabta ah ee uu cadawgu maanta marayo.
Warbixinadas kadib waxaa xilka iska dhigtay gudidii hore ee sanadkii tagay jaaliyada hogaaminhayay,waxaana la doortay gudoomiye guddi farsamo oo shirka sii daadihisa
kaasoo isaguna soo xushamy 4 xubnood oo lasii daadihiya shirka inta laga doooran hayo maamulkii jaaliyada hagi lahaa sanadkan .waxay guddigii farsamo shirka soo xidheen galabtii iyadoo kazoo qaybagalyaasha shirku ay aad uuugu faraxsanyihiin sida qiimaha badan ee uu shirku usocdo iyo is araga saaxiiibo in badan kala maqnaa oo kulmay. Maalintii 2 aad ee shirka ayaa wuxuu ahaa mid kasii ahmiyad wanaagsan kaas oo lagu dhisay maamulkii sanadka soo socda.Markii guddidii fulinta ee Jaaliyadda ladoortay ayay guddidii farsamo ku xilwareejiyeen waxaana mar kale la wareegay hagitaanka shirka guddidii cusbayd ee loo doortay Jaaliyadda iyagoo dadkii madasha fadhiyay hortooda ka ballan qaaday inay sida uugu haboon oo karaan kooda ah uguidan hayaan xilka loo dhiibay. Waxaa hadalo dardaaran ah oo dhiiri galin ah kazoo jeediyay shirka odayaal halganka in badan kusoo jiray iyagoo udardaarmay maamulka iyo xubnahaba inay sida wada jir ah loo wada shaqeeyo,waxayna uugu duceeyeen inuu Eebbe xilka gudashadiisa u sahlo.
Waxaa sidoo kale lagu ansixiyay shirka xeerka Jaaliyadda ee qeexaya sida hogaamada iyo masuuliyiintuba howlahooda halgan ugudan lahaayeen. Shirka ayaa tahniyado iyo mahadnaq looga soo jeediyay masuuliyiinta JWXO iyo ciiwadanka wadaniya xoraynta ogadeeniya ee qalabka sida iyo masuuliyiinta ciidanka iyo jaaliyaadka iyo dhamaanba dadka reer ogadeniya ee halganka jecel. Waxay indhahaagu qaban hayeen galabtii galabnimadii maalintii labaad ee shirku socday xubnaha jaaliyadda ee meelo kala fog fog isaga yimid oo si niyad wanaag ah isugu halmbalyaynhaya isuna macal salaamaynhaya.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








