Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Thursday
May 17th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Koonfur Afrika Xuskii Sanad guurada 25aad iyo jaaliyadda Koonfur Afrika

Xuskii Sanad guurada 25aad iyo jaaliyadda Koonfur Afrika

E-mail Print PDF
Jaaliyadda soomaalida Ogaadeeniya ee Koonfurta Afrika waxay kamid tahay jaaliyadaha iyo shacabka Ogaadeeniya ee dacalada aduunka maanta kuqabanhayay sannadguuradii 25aad ee kasoo wareegta aasaaskii Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeneiya.

Iyadoo meel badan oo aduunka ka mid ah maanta shirkan oo kale lagu qabtay ayay jaaliyada JOKA maantamagalada Uitenhage ku qabatay shir aad uballaadhan ooy isugu yimaadeen boqolaal ka mid ah dadwaynaha soomaaliyeed ee ka dhiidhidhiya gumaysiga daashaday dadka kunool Ogaadeeniya.

Waxaa madasha shirka soo buuxiyay qaybaha kala duwan ee bulshada sida Culimada,odayasha,dumarka, dhalinyarada iyo dhallaanka.
waxay indhuhu qabanhayeen dhalinyarada,dumarka iyo caruurta oo si heersare ah uugu labisan calanka Ogaadeeniya.sidoo kale waxaad arkaysay dhalinyarada howlwadeenada aha oo kaarar qurquruxbadani usudhan yihiin laabta.

Shirka waxaa uugu horaynba lagu furay wacdi uusoo jeediyay sheeekh Nadiir Geedi oo runtii dadku aad uugu khushuuceen. sheekh nadiir ayaa sawir guud kabixiyay kaalinta uu islaamku kuleeyahay dhismaha aduunka, wuxuu sheegkhu sheegay inuu islaamku saleeyay wax walba oo banii`aadamku kunoolaan lahaa.sheekhu wuxuu aad uugu booriyay dadwaynihii madasha fadhiyay inay ka qaybqaataan halganka kasocda Ogaadeeniya isagoo sheegay mar hadii nafta lagala soo cararay waa in maalka lagu bixiyo.

Intaas kadib waxaa hadalka lagu soo dhweeyay gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeeniya ee koonfur Afrika  Sheekh C/raxmaan oo khudbad aad udheer kasoo jeediyay shirka,khudbada gudoomiyaha ayaa isugu jirtay taariikhdii hore ee lasoo maray,xaaladda maanta taagan iyo guubaabo uuuu dareensiiyay dadwaynaha howsha maanta loga baahanyahay.

Kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Sheekh Yuusuf Guure oo  ku dheeraaday midnimada iyo siduu sharciga islaamku u adkeeyay inay dadku gacmaha is qabsadaan. heekhu wuxuu kadigay kala taga iyo khilaafku dhibkay leeyihiin,wuxuuna ku baaqay inay dhalinyarada iyo odayaashu siwada jir ah gacmaha isu qabsadaan.

Intaas kuma ekayn ergooyinkii shirka ka hadlay ee waxaa hadana codfogeeyaha lagu soo dhaweeyay sheekh Axmad cabdi xaashi oo dadwaynihii mesha fadhiyay ku baraarujiyay in hadii qaybaha kala duwan eebulshadu ayna wada shaqaynin oo kolba qolo uun howsha lagu daayo ay dantu lumayso wuxuu tusaale ku bixiyay   "hadii ninka maalqabeenka ah iyo saboolku ayw ada shaqaynw aayaan,sidoo kale
aqoonyahanka iyo dadka kale.culimada iyo dadwaynaha. Odayada iyo dhalinyarada. Raga iyo dumarka  hadaan siwada jir ah loo wada howlgalin oo koox walba iyo mid jeel gooni noqoto xaaladu inay dantu lumayso ayuuu sheekh Axmad sheegay.wuxuu kusoo gabagabeeyay fasiraad uu kabixiyay 3da eray ee jabhada halku dhaga u ah oo kala ah Midnimo,Mintid iyo iskutashi isagoo mid walba sheegay meeshay diin ahaan salka ku hayso ee laga soo qaatay.

kadib ayaa makarafoonka lagudoonsiiyay  C/naasir Sheekh (Naarmagale) oo kasocday ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed. Naarmagale wuxuu shirka ksoo jeediyay hadalo aad u dhaqaajiyay dhiiga dhalinyaradii shirka fadhiday isagoo u ugu baaqay inay wdankooda jeclaadaan,mar walbana isku dayaan ka sheekaynta khayraadka Ogaadeeniya iyo inay wax bartaan taas oo uu ku tilmaamay in nikii wax barta uuni dalkiia wax uqabankaro.
intaas wixii ka dambeeya waxaa bilaabatay  guubaabo badan oo suugaameed oo uu daah furay Abwaan Aadan sheekh maxamad. Abwaan Aadan iyo dhalinyaro kale ayaa madasha katiriyay suugaan runtii dadka qaad uqiiro galisay mashxarad iyo sacabna looraaciyay.

Waxaa si gooni aha soojiidasho ulahaa markay dhalinyaro ka tirsan xubnaha JOKA oo katirsanaan jiray qaybta kamaandooska ee Jabhadda Waddaniga xoraynta Ogaadeeniya ay kusoo bandhigeen madashii shirka qayb ka mid aha daba barkii ay qaateen.

Gabgabadii shirka ayaa lagu soo xidhay gabay uu goobta katiriyay nin oday aha oo ka mid ahaa dadkii madasha yimid. Guuud ahaan shirka oo kuna bilowday kuna dhamaaday jawi aad u qurux badan oo farxad iyo murugaba leh.
Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Sunday, 16 August 2009 14:30 )  

Video Feed

Radio Xoriyo Feed

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 71 guests online